Gary Neville Oo Saadaal Layaableh Ka Sameeyey Ciyaarta Manchester United vs Arsenal


Kabtankii hore ee Manchester United ee Gary Neville ayaa saadaal layaableh ka sameeyey ciyaarta horyaalka Premier League ee kooxdiisii hore ee Manchester United iyo Arsenal ee Axadda ka dhici doonta garoonka Old Trafford.

Gunners ayaa safar ku tegi doonta Old Trafford iyadoo u baahan inay guuleysato si ay horyaalka ugula tartanto Man City illaa kulanka ugu dambeeya, laakiin Gary Neville ayaa waxa uu rumaysan yahay in Arsenal ay rajadeedu kusoo afjarmi doonto Old Trafford.

Labada ciyaarood ee u hadhayba waa in ay Arsenal guuleysato, sidoo kalena ay ku ducaysato in Manchester City ay dhibco lumiso. Manchester City oo maanta guul 4-0 ah ka gaadhay Fulham oo laba dhibcood dhaaftay Arsenal ayaa hadda uu horyaalku gacanteeda ku jiraa, waxaana la sugayaa natiijooyinka ay ka keeni doonto labada kulan ee u hadhsan, kuwaas oo ay Arsenal rajadeedu ku xidhnaan doonto.

Gary Neville oo ka hadlay ciyaartan ayaa yidhi: “Waa ciyaar weyn, laakiin Arsenal rikoodh xun ayaa ka yaalla halkan Old Trafford. Waxa jira saddex dareen oo aniga dhaxdayda ku hirdamaya. Midka hore, in Arsenal ay guul weyn soo gaadho. Midda labaad, waa in Man United ay ay ilaashato rikoodhkeeda kooxaha waaweyn ee Old Trafford sababtoo ah kooxo badan kuma garaacaan hoygeeda.

“Midda saddexaad, Arsenal rikodoh xun ayaa ka yaalla Old Trafford. Dadka intooda badan waxa ay hoos u dhigayaan ciyaartan Man United sababtuna waa in ay adag ku jiraan, laakiin waxa uu Old Trafford noqon karaa xabaashii lagu aasayey Arsenal.

“Bal eeg, Arsenal waa qasab inay guuleysato laakiin anigu ma hubo inay guuleysanayso.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*