Real Madrid waxay markeedii 18aad tagtay finalka tartanka Champions League, waxaana marka ay bisha dambe iska hor yimaaddaan Borussia Dortmund ay u dagaallami doontaa inay markeedii 15aad ku guuleysato tartankan.
Garoonka xulka qaranka England ee Wembley ayaa martigelin doona ciyaarta finalka Champions League ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo la dheeli doono June 1, 2024, markaas oo Los Boancos ama Dortmund la caleemo-saari doono.
Real Madrid oo wareeggii semi-finalka guul 4-3 ah isku-darka labadii lugtood ka gaadhay Bayern Munich, horena usoo reebtay Manchester City ayaa ah kooxda la saadaalinayo inay ku guuleysanayso koobka.
Borussia Dortmund ayaa iyaduna raadinaysa inay ku guuleysato koobkan markeedii 2aad iyadoo sannadkii 1997kii ka qaadday Juventus oo ay finalka iskugu yimaaddeen, balse markii ugu dambeeyey ee ay finalka timid oo ahayd sannadkii 2013 ay Bayern Munich ku garaacday garoonka Wembley.
Sida uu qoray wargeyska Relevo ee kasoo baxa waddanka Spain, tababare Carlo Ancelotti ayaa qaatay go’aan halis gelin karaya kooxdiisa oo ah in uu ciyaartaas kusoo bilaabo goolhaye Thibaut Courtois oo xilli-ciyaareedka oo dhan dhaawac ku maqnaa laakiin usbuucii hore dheelay kulankii Cadiz.
Waxa uu tababare Carlo Ancelotti fadhiisin doonaa goolhaye Andriy Lunin oo qayb libaax kasoo qaatay guusha kooxdiisa ee xilli-ciyaareedkan, waxaana falanqeeyeyaashu ay sheegayaan in arrintani halis gelin karayso Real Madrid.
Thibaut Courtois ayaan wali dib u helin bandhiggiisii fiicnaa, haddana waxa uu Carlo Ancelotti doonayaa inuu dheelsiiyo ciyaarta ugu dambaysa ee ay ku xidhan tahay guushooda Champions League.
Be the first to comment