Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, ayaa waxa maanta shaqada laga caydhiyey tababare weyn, kaas oo lagu wargeliyey in saddex ciyaarood oo kaliya oo u hadhsan xilli-ciyaareedkan uu laylin doono.
Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo kooxo kale ayaa laga filayaa inay isbeddello sameeyaan, waxaase bannaanka keentay qorshaheeda kooxda kubadda cagta West Ham oo ku wargelisay David Moyes in aanu sii ahaanayn tababaraheeda wixii ka dambeeya kulamada kooban ee u hadhay.
Hammers oo wada-adallo la yeelatay tababaraha reer Portugal ee Ruben Amorim toddobaadyo ka hor, sidoo kalena lala xidhiidhinayey Hansi Flick, laakiin waxa ay hadda u jeedsadeen Julen Lopetegui oo ay sidoo kale doonayso AC Milan.
Julen Lopetegui ayaa ay West Ham kula jirtaa wada-hadallo meel fiican maraya oo ay suurtogal tahay in ay ka dhashaan in tababaraha hore ee Real Madrid uu noqdo macallinka cusub ee kooxda reer London.
David Moyes oo sannadkii 2019 dib ugu soo noqday Chelsea oo uu mar horena tababare u ahaa, ayaa waxa xilli-ciyaareedkii hore uu u qaaday UEFA Europa Conference League, iyagoo muddo 58 sannadood ah aan wax koob ah ku guuleysanin.
Be the first to comment