Miyey Rumowday Saadaashii Jose Mourinho Ee Horyaalka Premier League Iyo Champions League Ee Xilli-ciyaareedkan


Bishii February ayuu Jose Mourinho saadaal ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League iyo sidoo kale tartanka Champions League oo uu magacaabay kooxaha ku guuleysanaya.

Jose Mourinho oo ay da’diisu tahay 61 jir oo horraantii sannadkan laga eryey AS Roma oo uu laba sannadood iyo badh laylinayey, ayaa waxa waraysi siiyey bishii February halyeyga reer England ee Rio Ferdinand, waxaana uu xushay laba kooxood oo horyaalka Premier League ay midkood ku guuleysanayso.

Waqtigaas waxa uu Mourinho meesha ka saaray Arsenal oo hadda hoggaanka haysa, waxaana uu koobka u dhaxaysiiyey Manchester City iyo Liverpool, isaga oo yidhi: “Horyaalka Premier League, Manchester City iyo Liverpool ayuu u dhaxaynayaa, laakiin waxay ila tahay in Manchester City ay ku guuleysan doonto.”

Waxa saadaashiisan ka baxday Liverpool oo ay beddeshay Arsenal, laakiin waxa la eegi doonaa haddii ay Man City awoodi doonto inay guuleysato afarta ciyaarood ee u hadhsan oo ay dhaafi karto Arsenal oo hadda hal dhibic hoggaanka kaga haysa, laakiin ay saddex ciyaarood u hadhsan yihiin.

Dhinaca kale, Jose Mourinho waxa uu waqtigaa saadaaliyey Champions League oo marayey marxaladda wareegga 16ka, waxaana uu koobka u dhaxaysiiyey Manchester City iyo Real Madrid.

“Champions League waxa ku guuleysan doonta Manchester City ama Real Madrid. Haddii ay koox kale oo aan labadan ahayn ku guuleysato, layaab ayay noqon doontaa.” Ayuu yidhi Jose Mourinho.

Waxa uu intaa kusii daray: “Waxa aan jeclaan lahaa in ay mar kale ku guuleysato Real Madrid iyo tababaraheeda Carlo Ancelotti. Ma garanayo, laakiin Bayern Munich iyo PSG ayaa iyaguna ku guuleysan karaya.”

Saadaashiisa oo uu markii dambe soo koobay ayuu Jose Mourinho ku yidhi: “Horyaalka Premeir League waa City/Liverpool, Champions League na waa City/Real.”

Marka la eego saadaasha Champions League ee Jose Mourinho, waxa uu meesha ka baxday Manchester City oo ay Real Madrid isku dhaceen wareeggii sideedda, balse waxa wali tartamaysa Real Madrid, halka Bayern Munich iyo PSG oo uu soo hadal-qaaday oo laga badiyey kulamadii lugta hore oo ay Real Madrid iyo Borussia Dortmund ka adkaadeen, waxa ay sugayaan lugta labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*