Chelsea Oo Garoonkeeda Ku Garaacday Tottenham, Una Soo Dallacday Kaalinta 8aad


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul ay ugu soo dallacday kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League waxa ay ka gaadhay Tottenham Hotspur oo waqtigu ku adag yahay isla markaana saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga badiyey.

Chelsea ayaa waxa ay 2-0 ku garaacday Tottenham oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, waxaana labadii qaybood ee ciyaarta labada gool kala dhaliyey Tevoh Chalobah iyo Nicolas Jackson.

Ciyaartan oo Chelsea ay ka cabanaysay ciyaartooyo la’aan oo kaliya toban ciyaartoy oo kooxda koowaad ah uu haystay Mauricio Pochettino, ayaa waxa daqiiqaddii 24aad Blues hoggaanka u dhiibay difaaca reer England ee Trevoh Chalobah oo kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Conor Gallagher ku qabtay madax awood badan.

Tottenham oo hore ugu tartamaysay kaalinta afraad ee Premier League ayaa si adag u dagaallantay si ay u xaqiijisan karto inay kusoo dhowaato Aston Villa oo toddoba dhibcood ka horreysa, laakiin taasi ma aanay dhicin, waxaana fursaddoodii ugu fiicnayd ka badbaadiyey Marc Cucurella oo isku dhigay kubbad uu goolka ku toogtay Brennan Johnson.

Spurs ma aanay samaynin fursado badan, balse qaybtii hore ayaa uu tababare Postecoglou sare u booday si uu ugu dabbaal-dego kubbad uu moodayey inay tahay gool oo uu madax ku qabtay Cristian Romero oo uu shabaqa dhinaca kaga dhuftay.

Chelsea ayaa laad xor ah heshay daqiiqaddii 71aad, waxaana soo tuuray Cole Palmer oo ka jaray birta, balse markii ay soo noqotay ayaa waxa madax ku celiyey Nicolas Jackson oo shabaqa oo madhan ku hubsaday.

Jackson ayaa goolkiisu ahaa midkii afraad ee uu ka dhaliyo Tottenham xilli-ciyaareedkan.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay soo gashay kaalinta siddeedaad oo ay laba dhibcood ka dambayso Newcastle oo kaalinta toddobaad ku jirta, waxaana Blues ay rajaynaysaa inay kasoo dul-booddo Newcastle si ay u heli karto inay kasoo qayb-gasho tartamada Yurub.

Tottenham ayaa iyaduna toddoba dhibcood ka dambaysa Aston Villa oo waliba ay ciyaar baaqi u tahay oo kaalinta afraad fadhida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*