Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xulatay saddex weeraryahan oo ay xagaaga soo socda u dhaqaaqi doonto saxeexooda, kuwaas oo geli doona booska Gabriel Jesus oo ay Gunners diyaar u tahay inay iibiso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.
Mikel Arteta ayaa go’aamiyey in la iibiyo Gabriel Jesus oo uu kursiga kaydka u diray toddobaadyadii ugu dambeeyey, kaddib markii uu ku fashilmay inuu goolal dhaliyo, waxaana booskiisa uu Mikel Arteta ka ciyaarsiiyaa Kai Havertz oo bandhig fiican samaynaya.
Weeraryahanka reer Brazil oo sannadkii 2021 ay Arsenal kala soo wareegtay Manchester City ayaa waxa bandhiggiisa hoos u dhigay dhaawacyo tiro badan oo kusoo noqnoqday, waxaase dhalliisha ugu weyn ee loo hayo ay tahay inay aad u hooseeyaan tirada goolasha uu dhalinayo.
Gunners oo hal dhibic ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League ayaa rumaysan in haddii uu Jesus ka faa’iidayn lahaa fursadihii uu helay in ay dhibco badan ku hayn lahaayeen hoggaanka horyaalka Premier League.
Dookha koowaad ee Mikel Arteta ayaa ah weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak ee u ciyaara Newcastle United oo ay da’diisu tahay 24 jir, kaas oo ka sokow gool-dhalintiisa ka qayb-qaata ciyaarta.
Waxa kale oo ay Arsenal indhaha ku haysaa Victor Osimhem oo u dheela Napoli, Victor Gyokeres oo Sporting Lisbon ah iyo Benjamin Sesko oo RB Leipzig goolal badan u dhaliyey.
Ivan Toney oo marar badan lala xidhiidhiyey Arsenal ka hor intii aan lagu ridin ganaax siddeed bilood ahaa oo uu ku sababsaday khamaar uu sameeyey iyo Dominic Solanke ayaa iyaguna ku jira liiska dhaliyeyaasha Arsenal ay kala xulanayso.
Be the first to comment