DEG-DEG: Xiddiga Nasiibka Xun Ee PSG Iyo Xulka France Oo SIDDEED Bilood Garoomada Ka Maqnaan Doona


Mar kale ayuu dhaawac culus oo jilibka ah soo gaadhay, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo toddoba illaa siddeed bilood ah, taas oo ka dhigan in uu ka maqnaan doono tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo xataa qaybta hore ee xilli-ciyaareedka dambe ee horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay, in xiddigeeda nasiibka xun ee Lucas Hernandez uu jilibka ka jabay, isla markaana lagu samayn doono qalliin saacado qaadan doona.

28 jirkan ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii PSG ay guul-darrada 1-0 ah kala soo kulantay Borussia Dortmund ee lugta hore ee semi-finalka Champions League, waxaana dhaawaciisu uu noqday ACL oo ah inay dillaacday lafta ku wareegsan jilibka.

Dhaawaca Lucas Hernandez kama aanay nixin PSG oo kaliya hase yeeshee waxa sidoo kale ka murugooday tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps oo si weyn ugu xisaabtamayay tartanka qaramada Yurub ee bisha dambe ee June ka furmi doona waddanka Germany.

Sababta laacibkan loogu tilmaamo inuu nasiib-xume yahay, ayaa waxa ay tahay in sidan oo kale uu dhaawac jabniin jilibka ah usoo gaadhay ciyaartii koowaad ee Koobkii Adduunka 2022 ee ay la dheeleen xulka Australia, waxaana uu ka maqnaa kooxdiisa illaa xagaagii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*