Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab waalli ah u bandhigtay tababare cusub oo ay ku beddelayaan Mauricio Pochettino oo shaqada laga caydhin doono dhamaadka bishan, sida ay sheegayaan warbaahinta waddanka Ingiriiska oo soo xiganaya masuuliyiin ka tirsan Blues.
Chelsea ayaa go’aansatay in ay isbeddel ku samayso tababaraha maadaama ay kooxda joogaan ciyaartooyo badan oo kaliya u baahan macallin isku dubbarida.
Blues ayaa waxa ay la xidhiidhay Antonio Conte oo laba sannadood soo layliyey kooxdan isla markaana shaqada laga caydhiyey sannadkii 2018 isaga oo u qaaday hroyaalka Premier League.
Wargeyska La Repubblica ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga oo helay xogta wada-hadallada u socda Chelsea iyo Antonio Conte, waxaana uu sheegay inay dhinacyadu u dhow yihiin inay heshiis buuxa gaadhaan.
Antonio Conte ayaa ogolaaday inuu dib ugu soo noqdo Chelsea ayaa faahfaahinta laga helay dalabka uu ka helay Chelsea, waxa uu ku noqon doonaa tababaraha ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, isaga oo sidoo kalena heli doona lacagta ciyaartoyda uu u baahan yahay inuu ku xoojiyo kooxda, gaar ahaan weeraryahan dhexe oo ay kooxdu u calaamadsatay Victor Osimhem.
54 jirkan oo hore usoo layliyey Juventus iyo Inter Milan oo uu koobab badan u qaaday, ayaa waxa uu sidoo kale soo noqday tababaraha xulka qaranka dalkaas.
Sannadkii 2016 ayaa Antonio Conte uu nqoday tababaraha Chelsea, waxaana xilli-ciyaareedkiisii koowaad uu u qaaday horyaalka Premeir League iyagoo xoogsaday 93 dhibcood, waxaanay ku garaaceen Tottenham oo kaalinta labaad ku dhamaysatay.
Laakiin sannadkii 2018 ayaa laga caydhiyey kooxda markii ay Blues u dhacday kaalinta shanaad oo ay 23 dhibcood ka hoosaysay dhibcihii ay xilli-ciyaareedkii koowaad heshay.
Be the first to comment