DEG-DEG: Tababarihii Manchester United Ee Ay Sugaysay Bayern Munich Oo Warkiisa Caddeeyey


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa waji gabax kala kulantay tababarihii hore ee Manchester United ee Ralf Rangnick oo ay toddobaadyadii u dambeeyey kula jirtay wada-hadallo ay ku doonayeen inuu ku noqdo macallinkooda beddelaya Thomas Tuchel oo shaqada laga caydhinayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku.

Ruug-caddaagan reer Germany ee hore waqtiga kooban ee ku-meelgaadhka ahaa ugu soo qaatay Manchester United ayaa hadda ah tababaraha xulka qaranka Austria oo isku diyaarinaya ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024.

Munich ayaa hore iskugu dayday Xabi Alonso iyo Julian Nagelsmann oo labaduba iska diiday, waxaanay markaas kaddib u jeedsadeen Rangnick oo isaguna albaabada ka xidhay.

Rangnick oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi: “Anigu waxa aan ahay tababaraha Australia, qalbigayga oo dhanna iyaga ayaa haysta. Waxa aan jeclaan lahaa in aan si adag u bayaamiyo in aanay arrintu ahayn in aan diidayo Bayern Munich, laakiin uu go’aankaygu yahay in aan sii ahaado tababaraha xulka Australia. Diiraddayada oo dhanna waa isku-diyaarinta tartanka qaramada Yurub.”

Dhinaca kale, Bayern Munich ayaan wali ka quusanin Ralf Rangnick oo ay rajaynayaan in toddobaadyada soo socda uu ogolaan doono dalabka ay u gudbiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*