Xiddigaha Man United Antony ayaa shaqaaleysiiyay sawir qaade si uu uga qaado sawiro isaga u gaar ah marka uu goolal u dhaliyo.
Laacibka reer Brazil ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay Premier League ee xilli ciyaareedkan, wuxuuna la dabaaldegay sawir qaadihiisa oo fadhiyay goolka Old Trafford gadaashiisa.
Waxaa haatan la ogaaday in sawir qaadaha uu la dabaaldegay inuu yahay nin uu isaga u shaqaaleysiiyo inuu ka qaado sawiro uu u isticmaalo baraha bulshada iyo xayaysiinada.
Waxayna aheyd markii ugu horeysay ee uu sawir qaadaha fursad u helo inuu sawiro ka qaado Antony isagoo gool ka dhalinaya Premier League xilli ciyaareedkan.
Taageerayaasha Man United ayaa si weyn uga careysan xiddiga ku fadhiya 85 milyan ginni madaama qaab ciyaareedkiisa uu liitay xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in laga saaro shaxda kooxda.
Laakiin Sabtidii waa lagu soo bilaabay kulankii Burnley madaama Marcus Rashford uu maqnaa.
Wuxuu dhaliyay gool cajiib ah daqiiqadii 65aad ka hor inta aysan Burnley rigoore ku barbareynin dhamaadkii ciyaarta.
Antony ayaa la dabaaldegay asxaabtiisa kooxda, isagoo kubada gashaday caloosha.
Ka dib wuxuu u tagay sawir qaadihiisa isagoo laabta geliyay islamarkaana la dabaaldegay.
Sawir qaadihiisa ayaa rajeynaya inuu sawiro kale oo fiican ka qaado Antony kulamada ka harsan xilli ciyaareedkan madaama uu haatan ka baxay abaartii goolasha ee ka heysatay horyaalka Premier League.
Be the first to comment