Waa Maxay Sababta Ay U Walaacsan Yihiin Taageereyaasha Bayern Munich Ka Hor Ciyaarta Real Madrid Ee Salaasada?


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa walaacsan ka hor ciyaarta lugta hore ee wareegga semi-finalka Champions League ee ay ku martigelin doonaan Real Madrid, kaddib markii ay hadallo kulul oo dhalliilo ah is-weydaarsadeen Uli Hoeness iyo tababare Thomas Tuchel, taas oo khilaaf xooggan ka holicsay gudaha kooxda.

Uli Hoeness ayaa tababare Thomas Tuchel ku tilmaamay in aanu ahayn tababare barbaariya ciyaartoyda da’yarta ah isla markaana doonaya in loo dhiibo qasnad lacag ah oo uu ciyaartooyo waaweyn kusoo urursado, waxaana uu hoos u dhigay heerka tayadiisa.

“Tuchel kuma fikirayo in uu horumarin karayo Davies, Pavlovic ama Musiala. Haddii aanay shaqaynin, waxa uu ku fikirayaa in uu soo iibsado ciyaartooyo kale oo booskooda galay.” Ayuu yidhi Hoeness.

Waxa hadalkan ka jawaabay Thomas Tuchel oo yidhi: “Si xeel-dheer ayaa la iisoo weeraray, waana la igu gefay. Haddii shaqadayda tababarenimadu ay wax uun muujisay 15kii sannadood ee ugu dambeeyey, waa in mar walba ay boos ku lahaayeen ciyaartoyda da’yarta ah, gaar ahaan kuwa kasoo baxa kulliyadda oo nala qaadanayey tababarka. Sidoo kale garoonka, iyaga ayaa bandhigga ka sameeya waananu caddaynay taas. Aniga aragtidayda, hadalkaas [Hoeness] waxa uu ahaa mid aan gebi ahaanba sal iyo raad lahayn.[.

Thomas Tuchel oo ay d’adiisu tahay 50 jir, ayaa waxa hadda uu go’ay xidhiidhkii uu la lahaa maamulka kooxdiisa oo hore ugu wargeliyey in dhamaadka xilli-ciyaareedkan ay shaqada ka caydhinayaan, laakiin arrinta is-eedaynta ee hadda bilaabantay ayaa waxa ay taageereyaashu ka walaacsan yihiin inay saamayn ku yeelan doonto kooxdooda ciyaarta Real Madrid ee semi-finalka Chamions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*