Arne Slot Oo Burburin Doona Sharcigii Uu Jurgen Klopp U Dejiyey Liverpool


Arne Slot ayaa jabin doona sharcigii Liverpool uu u dejiyey Jurgen Klopp oo bisha foodda inagu soo haysa ee May soo afjari doona muddo sagaal sannadood ah oo uu laylinayey Liverpool, waxaana beddelaya macallinka reer Netherlands ee Arne Slot.

Liverpool ayaa la filayaa in ay dhowaan si rasmi ah ugu dhawaaqdo in Arne Slot uu yahay tababaraheeda cusub, waxaanay mar horeba kala heshiiyeen mushaharkiisa iyo heshiiskiisa shaqsiga ah, balse waxa la sugayey Feyenoord oo hadda ay iyagana isla meel-dhigeen in ay £9.4 milyan oo Gini oo magdhow ah siiyaan.

Sida uu ku warramay wargeyska The Times, Slot oo ay da’diisu tahay 45 jir ayaa waxa la sheegay in uu beddeli doono oo uu meesha ka saari doono sharcigii uu kooxda u dhigay Jurgen Klopp, si uu meesha uga saaro saamayntii uu tababaraha reer Germany ku lahaa qolka labbiska iyo quluubta taageereyaasha Liverpool.

Slot ayaa la sheegay in uu beddeli doono qaab-ciyaareedka kooxda ee uu hore Jurgen Klopp ugaga dhigay saddex weerar, saddex khad dhexe iyo afar difaac, balse uu ka dhigi doono mid weerar ku dhisan oo khadka dhexe lagu soo koobayo laba ciyaartoy oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*