Muxuu Erik ten Hag Ka Yiri Guushii Ay Man United Iska Dhiibtay Kulankii Burnley?


Erik ten Hag ayaa ciyaartoydiisa canaantay ka dib markii ay barbaro 1-1 kala kulmeen kooxda ka carareysa inay heerka labaad u dhacdo ee Burnley oo marti ku aheyd Old Trafford.

Tababaraha Red Devils ayaa dareemay in kooxdiisa ay koontarooli weysay ciyaartay islamarkaana ay iska dhiibeen guusha taasoo aheyd wax laga maarmay.

Goolkii ugu horeysay ee Antony uu ka dhaliyo Premier League xilli ciyaareedkan ayaa waxaa kansalay rigoore uu xilli danbe Burnley u dhaliyay Zeki Amdouni. Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in United ay ku jirto kaalinta lixaad iyagoo lix dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta shanaad ee Tottenham.

Ten Hag ayaa dareensan in ciyaartoydiisa ay iska dhiibeen guul gacantooda ku jirtay isagoo yiri:

“Si xoogan ayaan ciyaaarta ku bilaabanay. Fursado badan ayaan abuurnay ka dib waxaan dhuminay koontaroolka ciyaarta qeybihii danbe ee qeybta hore ee ciyaarta. Burnley ayaa ciyaarta ku soo laabatay oo fursado qaar heshay.

“Qeybtii labaad anaga ayaa ciyaarta heysanay, waxaan ku jirnay boos guul ah, ugu danbeyna guusha waan iska dhiibnay. Waa wax aad looga caroodo ma aheyn inay taasi dhacdo. Waxaan inta badan is gelinaa xaalad aad u adag. Inaan seddexda dhibcood iyo shabaq nadiif ah qaadano ayay aheyd, laakiin dhamaadkii waan iska dhiibnay guushii gacanteena ku jirtay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*