Pochettino Oo Afka Furtay Ka Dib Markii VAR Ay Guul Ka Hor Joogsatay Chelsea Kulankii Aston Villa


Tababaraha Chelsea Mauricio Pochettino ayaa ku eedeeyay in VAR ay dhaawac u geysaneyso kubada cagta Ingariiska ka dib markii kooxdiisa laga beeniyay guul kulankii Aston Villa.

Blues ayaa ka soo kabsatay 2-0 oo lagu hogaaminayay waxayna ciyaarta ka dhigeen barbaro 2-2 ah, laakiin guul ayay heli lahaayeen markii Axel Disasi uu shabaqa soo taabtay waqtigii dhimashada ciyarta basle garsoore Craig Pawson ayaa goolka diiday markii VAR ay u sheegtay inuu eego shaashada dhinac taala garoonka.

Wuxuu xukmiyay in Benoit Badiashile inuu kala tuuray Diego Carlos ka hor inta uusan karoos u dhigin saaxiibkiisa reer France oo kubada madax ku dhaliyay. Pochettino ayaa caradiisa ku soo bandhigay kursiga keydka markii goolka la diiday.

Wuxuuna sidoo kale uga hadlay shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

“Waxaan aaminsanahay in qof walba oo daawanayay ciyaarta uu dareemayo niyadjab. Waxaan u baahanahay inaan dadka u sharaxno labo sheey oo kala duwan” ayuu Pochettino u sheegay TNT Sport.

“Haddii garsooraha uu dhigo qalad islamarkaana ay VAR xaqiijiso goolkana la diido waa wax la aqbali karo. Laakiin marka garsooraha uusan arkin qalad dhacay ka dibna uu aado VAR oo go’aankiisa bedelo taas ayaa dhibaato ah.

“Ma doonayo inaan wax xun iraahdo, ma doonayo inaan si xun uga hadlo garsooraha ama VAR laakiin waa wax aan la rumeysan karin wixii dhacay, waa wax doqonimo ah. Waa wax ay adag tahay in la aqbalo.

“Tani waa mid aad u xanuun badan sababtoo ah waxay dhaawaceysaa kubada cagta Ingariiska. Waxay dhaawaceysaa muuqaalka horyaalka. Waxaan aaminsanahay xitaa in ciyaartoyda Aston Villa iyo taageerayaasha ay arki karaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*