Chelsea Oo Samaysay Soo-laabasho Cajiib Ah, VAR Oo Ka Joojisay Guul & Wixii Ku Dhacay Aston Villa


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa samaysay soo laabasho cajiib ah, waxaanay ka daba timid Aston Villa oo laba gool kala hormartay laakiin ay dhibcaha ku wadaageen natiijo ah 2-2.

Ciyaartan oo dhamaadkeedu musalsal ahaa, isla markaana ay VAR diidday gool waqti dambe ay Chelsea la timid oo guusha siinayey, sidoo kalena waqtigii dheeraadka ahaa dhaawac lagaga saaray Thiago Silva oo ay u muuqato inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee Blues, ayaa waxa waqti dambe ay Chelsea heshay barbarro ay ugu dabbaal-degeen sida guusha oo kale.

Aston Villa ayaa lab gool israacisay qaybtii hore una qaadatay inay si fudud kaga guuleysanayso Chelsea oo uu niyad-jabkeeda abuuray Marc Cucurella oo daqiiqaddii 4aad isku qabtay kubbad goolkiisa hor maraysay oo uu si kama’ ah lugta ugu dhuftay, waxaana sidaas ay Aston Villa ugu dabbaal-degtay goolkaas hadiyadda ahaa.

Dhamaadka qaybta hore oo ay ka hadhsan yihiin saddex daqiiqadood ayay Aston Villa la timid gool labaad oo uu u saxeexay Morgan Rogers, waxaana lagu kala nastay 2-0 ay hoggaanka ciyaarta ku haysay Aston Villa.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Chelsea samaysay bandhig fiican, waxaana caawiyey dhaawac soo gaadhay goolhaye Emilliano Martinez oo waqtigii nasashada ka baxay ciyaarta.

Chelsea oo qaybtii hore laga diiday gool uu dhaliyey Nicolas Jackson, ayaa weerarro is-daba joog ahaa ku qaadday goolka Aston Villa, sababtoo ah waxa ay ogaayeen in haddii ay saddex dhibcood helaan, in ay usoo dallici karayaan illaa kaalinta sideedaad.

Qalad ay sameeyeen difaaca Aston Villa ayaa Chelsea ka caawiyey goolka koowaad oo uu u dhaliyey Noni Madueke oo kubbad laga soo boobay difaaca ka helay xerada ganaaxa, kana hoos saaray goolhaye Olsen.

Dhamaadka ciyaarta oo ay sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayuu Conor Gallagher ciyaarta ka dhigay 2-2, waxaana uu saxeexay gool qurux badan oo uu ku dhamaystiray lugta bidix.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa waxa dhacday arrin cajiib ahayd, waxaana gool saddexaad dhalisay Chelsea, hase yeeshee VAR ayaa diidday markii uu garsooraha dhexe ansixiyey, iyadoo lagu andacooday in la riixay garsooraha.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah, waxaanay Chelsea usoo dallacday kaalinta sagaalaad oo ay ku haysato 48 dhibcood, halka Aston Villa ay xajisatay kaalinteeda afraad oo ay ku haysato 67 dhibcood, waxaanay toddoba dhibcood ka horreysaa Tottenham oo Axadda la ciyaari doonta Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*