Talaabo Uu Qaaday Erik ten Hag Oo Keentay Inay Ku Ooriyaan Taageerayaasha Man United Kulankii Ay Barbaraha La Galeen Burnley


Taageerayaasha Manchester United ayaa ku ooriyay Erik ten Hag ka dib markii uu ciyaarta ka saaray Rasmus Hojlund kulankii Burnley.

Weeraryahanka ayaa garoonka laga saaray wax yar ka dib markii ay ciyaarta saacad socotay iyadoo natiijada ay waqtigaas aheyd barbaro goolal la’aan ah.

Kobbie Mainoo ayaa sidoo kale la bixiyay iyadoo Scott McTominay lagu bedelay booskiisa.

Xiddiga khadka dhexe waa ciyaaryahanka seddexaad ee ugu goolasha badan Man United xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 10 gool wuxuu ka danbeeyaa Hojlund iyo Bruno Fernandes.

Taageerayaasha Man United ayaa si carro leh uga falceliyay bedelada uu sameeyay tababare Erik ten Hag gaar ahaan inuu bixiyay Hojlund iyagoo gool u baahan.

Amad Diallo ayaa lagu bedelay xiddiga Denmark laakiin bedelka ayaa u muuqday mid shaqeeyay iyadoo Antony uu shabaqa soo taabtay 15 daqiiqo ka dib taasoo aheyd goolkiisii ugu horeysay ee Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, Burnley ayaa barbareysay ka dib rigoore uu u dhaliyay Zeki Amdouni, taasoo keentay inay taageerayaasha ku dhaleeceeyaan Ten Hag bedeladii uu sameeyay.

Taageere ayaa soo qoray: “Inagoo gool u baahan ayuu bixiyay weeraryahan. Ma wax caqligal ahbaa?”

Mid kale ayaa yiri: “Mainoo ayuu bixiyay bedelkii uu bixin lahaa Eriksen. Bedeladaan qariibka ah ayaa soo gabagabeyn doona Ten Hag.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*