Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si dhab ah ula saftay Muslimiinta Falastiin ee ay Yuhuuddu ku hayso duqaymaha iyo go’doominta, waxaana uu bartiisa bulshada ka qaaday sawirkiisa oo uu ku beddelay calanka reer Falastiin.
Laacibkan ayaa go’aanka qaatay kaddib weerar ay Xamaas ku qaadday oo ay dad badan kaga dishay, kumannaan kalena kaga dhaawacday, taas oo ay Yuhuuddu kaga jawaabtay in ay duqayso dhacabka maatada ah ee reer Qasa, sidoo kalena ay go’doon geliso iyadoo ka jartay biyaha, korontada, cuntada, daawooyinka iyo wax kasta oo kale.
Xiddiga sidan sameeyey waa laacibka reer Masar ee Mohamed Elneny oo bartiisa bulshada ee Instagram uu hadda u yaallo sawirka Falastiin, laakiin waxa ay ciyaartoyda kooxdaasi ku kala qaybsan yihiin dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda.
Maalmo ka hor, difaaca bidix ee reer Ukraine ee Oleksandr Zinchenko ayaa waxa qoraal uu baahiyey uu ku sheegay inuu garab taagan yahay Yuhuudda, laakiin waxyar kaddib waxa uu ku qasbanaaday in uu taageereyaashiisa ka xidho inay ka falceliyaan waxa uu soo dhigo, kaddib markii lagu soo xoomay ee si adag loogu canaantay.
Si kastaba ha ahaatee, Elneny oo 31 jir ah ma aha markii ugu horeysay ee uu taageero Falastiin, waxaana sannadkii 2021 uu qoraal ku daabacay bartiisa Twitter-ka, waxaanu ku yidhi: “Qalbigayga iyo ruuxdayduba way idinla jiraan reer Falastiinoow, waan idin garab taaganahay.”
Be the first to comment