Xiddiga Arsenal ee Gabriel Martinelli waxa uu haystaa xog layaableh iyo rikoodh ay dunidu ka sheekayso, waxaana uu sagaal gool ka dhaliyey qaybta hore ee ciyaar uu saftay, ka hor intii aanu garoonka ka bixin ee aanu tegin naadi kale oo uu haddana u dheelay.
Garabka weerarka Brazil oo ahaa laacibkii Arsenal u dhaliyey goolkii madiga ahaa ee siiyey guusha kulankii Manchester City ee Axaddii isaga oo beddel kusoo galay, isla markaana soo afjaray rikoodh murugo iyo fadeexad ahaa oo ay Man City ka haystay Arsenal oo ahaa in 12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Premier League ay City guuleysatay, ayaa ay kooxdiisu ku ducaysanaysaa in uu taam buuxa ka noqdo dhaawacyada uu usbuucyada u jiifay ee uu Axaddii kasoo noqday.
22 jirkan ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaa kooxdiisa, ka hor intii aanu noqon beddelka guusha keenay ee City saddexda dhibcood ka xayuubiyey.
Ka hor intii aanay Arsenal lasoo wareegin, Gabriel Martinelli waxa uu u ciyaari jiray iskuulkiisa, isaga oo dhinaca kalena qayb ka ahaa kooxda Sao Paulo FC.
Isaga oo u ciyaarayay kooxda da’yarta Sao Paulo ayaa qaybtii hore waxa uu dhaliyey sagaal gool, kaxdibna waxa uu ka baxay garoonka waxaanu tegay Corinthians oo uu iyadana da’yarteeda u dheeli jiray, waxaana uu kusoo bilowday ciyaarteedii, taas oo ka dhigan in uu hal maalin laba ciyaarood isku maray.
Leandro Germano oo ahaa tababarihii iskuulka ee Martinelli ayaa waraysi uu siiyey wargeyska The Athletic waxa uu ku yidhi: “Xataa isaga oo aan booska No.9 ka ciyaari jirin ayaad arkaysay in Gabriel uu heerkale yahay.
“Ciyaar ayuu dhaliyey sagaal gool qaybtii hore, kaddibna garoonka ayuu ka baxay oo koox kale ayuu tegay. Waxa uu samaynayay wax aan caadi ahayn. Mar walba waxa uu samaynayay goysmo, waxa uu jecel yahay in qof-qof loo raaco.”
Be the first to comment