Liverpool Oo Khamaar Uu Sameeyey Jurgen Klopp Ku Heshay Guul Ay Kaalinta 2aad Kula Wareegaan


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay ka garbisay Manchester City oo aan ciyaarin usbuucan, waxaanay la sinmeen Arsenal oo farqiga goolasha kaga haysa hoggaanka horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa guul 3-1 ah kasoo gaadhay Fulham oo ay ku booqdeen magaalada London, waxaanay ku faa’iideen khamaar uu sameeyey Jurgen Klopp oo kaydka dhigay ciyaartoydiisa muhiimka ahayd.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Alexander-Arnold, Ryan Gravenberch iyo Diogo Jota ayaa siiyey Liverpool guul soo noolaysay rajadooda horyaalka Premier League oo ay hadda ula siman yihiin Arsenal oo kulamo adag sugayaan, laakiin farqiga goolasha kaga horreysa Liverpool.

Daqiiqaddii 32aad ayaa Liverpool ay la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Alexander-Arnold oo laad xor ah uu bannaanka ka tuuray ku hubsaday shabaqa.

Kooxda garoonkeeda joogtay ee Fulham ayaa si adag u dagaallantay markii goolka laga dhaliyey waxaanay sameeyeen fursado badan oo sababay inay helaan goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Timothy Castagne ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Liverpool oo ogsoonayd in haddii laga badiyo ciyaartan aanay wax fursad ah u heli doonin horyaalka oo ay ka bixi doonaan tartanka ayaa markii ay kasoo laabatay waqtiga nasashada waxa ay lasoo noqdeen dardar iyo firfircooni dheeraad ah, waxaanay awoodda saareen khadka dhexe oo ay marka hore ka liigayeen iyadoo Jurgen Klopp uu is-fahamsiiyey Endo, Gravenberch iyo

Liverpool oo ogsoonayd in haddii laga badiyo ciyaartan aanay wax fursad ah u heli doonin horyaalka oo ay ka bixi doonaan tartanka ayaa markii ay kasoo laabatay waqtiga nasashada waxa ay lasoo noqdeen dardar iyo firfircooni dheeraad ah, waxaanay awoodda saareen khadka dhexe oo ay marka hore ka liigayeen iyadoo Jurgen Klopp uu is-fahamsiiyey Endo, Gravenberch iyo Harvey Elliott.

Daqiiqaddii 53aad ayaa Ryan Gravenberch uu kubbad ka toogtay bannaanka waxaana uu kusoo dhuftay birta dhinaca bidix ee goolhayaha ka hor intii aanay shabaqa xuluulan, isaga oo ciyaartana ka dhigay 2-1.

Diogo Jota oo muddo dheer dhaawac ku maqnaa ayaa hoggaanka usii dheereeyey Liverpool daqiiqaddii 72aad, waxaana kubbad uu ka helay Cody Gakpo oo difaacyahannada loo dhaafiyey uu ula tegay goolhayaha oo uu dhinac ka dhigay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay yeelatay 74 dhibcood, waxaanay isku dhibco yihiin Arsenal oo farqiga goolasha kaga haysa hoggaanka, halka Manchester City oo ay ciyaar baaqi u tahay ay saddexaad u dhacday oo ay haysato 73 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*