Manchester United Oo Rafaad Iyo Rikoodheyaal Ugu Gudubtay Finalka FA Cup Oo Ay Man City Ku Ballameen


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa iska xaadirisay finalka FA Cup oo ay kula ballantay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City, kaddib markii ay rikoodheyaal ay kaga soo adkaadeen naadiga heerka labaad ee Coventry City.

Ciyaar ay ku ceebowday Manchester United oo iyadoo 3-0 hoggaanka ku haysa laga daba yimid oo waqtigii caadiga ahaa uu kusoo dhamaaday 3-3 ayaa la gaadhsiiyey in la isla tago rikoodheyaal ay Man United 4-2 kaga adkaatay Coventry oo ay khibrad la’aan dishay.

Manchester United ayaa qaybtii hore ay laba gool u kala dhaliyeen Scott McTominay iyo Harry Maguire, waxaana mid saddexaad qaybta labaad u raaciyey kabtankooda Bruno Fernandes, hase yeeshee kooxda heerka labaad ee Coventry City ayaa laba gool oo ay siddeed daqiiqadood u dhexeeyeen la timid daqiiqadihii 71aad iyo 79aad.

Ciyaarta oo u muuqanaysay in Manchester United ay guuleysatay ayaa waxa rikoodhe loo dhigay Coventry City daqiiqaddii 90+5, waxaana gool u beddelay Wright oo ciyaarta ka dhigay 3-3.

30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayaa wadne xanuun ku riday Manchester United oo ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey laga dhaliyey gool uu fasaxay garsooraha dhexe balse ay VAR ka daba timid oo ay meesha ka saartay markii la helay in Victor Torp oo dhaliyey goolka daqiiqaddii 122aad uu ku jiray offside waxyar oo fara-ciddidood ah.

Rikoodheyaal loo dhigay labada kooxood ayaa waxa tuurashada ku horreysay Manchester United oo laga badbaadiyey Casemiro oo laadkii koowaad qaatay, waxaase dhaliyey afartii ciyaartoy ee ku xigay ee Diogo Dalot, Christian Eriksen, Bruno Fernandes iyo Rasmus Hojlund, halka goolhaye Andre Onana uu badbaadiyey rikoodhe mid kalena ay hawada mariyeen ciyaartoyda Coventry.

Manchester United ayaa finalka FA Cup waxa ay la ciyaari doontaa Manchester City maalinta Sabtida ah ee May 25 oo garoonka Wembley ay ku kala calaf-qaadi doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*