DAAWO: Wixii Uu Sameeyey Jude Bellingham Markii Uu Garoonka Dhaxdiisa Ku Arkay Wiil Ay Isku Egyihiin


Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa ka hor ciyaartii Real Mallorca ee xalay waxa uu garoonka ku dhax arkay wiil da’yar ah oo ay aad iskugu egyihiin, kaas oo ay taageereyaashuna kaga falceliyeen baraha bulshada.

Sabtidii oo ay Real Madrid 1-0 kaga soo adkaatay Real Mallorca, ayaa waxa uu Jude Bellingham ka hor tegay wiilka ay isku egyihiin, waxaanu geliyey xabbadka halkii uu ka fadhiisan lahaa kursiga kaydka.

Madrid oo siddeed dhibcood hoggaanka horyaalka kaga haysa Barcelona oo ay toddobaadka dambe wada ciyaari doonaan kulankooda kala-baxa ee El Clasico ee ugu dambeeya xilli-ciyaareedkan, ayaa Jude Bellingham waxa uu sheedda ka halacsaday wiil uu hore u maqlay inay isku eg yihiin oo ka tirsan Real Mallorca.

20 jirkan oo kasoo baxay qolka labbiska kuna socday kursiga kaydka ayaa waxa uu arkay wiilkan oo usoo socda, waxaana sidoo kale farta ugu fiiqay ciyaartoyda Real Madrid ee kursiga sii fadhiyey oo sida muuqaalka laga arkayo u sheegaya inay isku eg yihiin.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa iyaguna waxa ay aad ah uga falceliyeen isku-ekaanshaha Bellingham iyo wiilkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*