RASMI: Xiddigaha Arsenal Ee Kulanka Aston Villa Ee Galabta Oo La Shaaciyey – Yaa Ka Maqan Gunners?


Mikel Arteta ayaa qarka u saaran in uu dib u helo dhamaan ciyaartoydiisii dhaawaca kaga maqnaa iyadoo horyaalkuna galay waqtigii dhamaadka oo ay toddoba ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin marka ay soo dhamaadaan kulamada usbuucan.

Arsenal ayaa maanta maraysa imtixaan adag waxaanay garoonkeeda Etihad Stadium ku qaabbilaysaa Aston Villa, balse ka hor ciyaartan waxa uu tababare Mikel Arteta xaqiijiyey in ay taam noqdeen oo ay diyaar yihiin Thomas Partey, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko iyo Bukayo Saka oo usbuucyadii u dambeeyey ay liidatay taam ahaanshahoodu.

Ciyaartoyga kaliya ayaa Arsenal dhaawac kaga maqan waqtigan, waana Jurrien Timber oo isaguna kusoo laabtay tababarka, mana jiro ciyaartoy kale oo walaac ku haya tababare Mikel Arteta.

Toddobadii maalmood ee ugu dambeeyey, walaaca haystay Arteta waxa uu ahaa Gabriel Jesus iyo Gabriel Magalhaes ay waxyeello soo gaadhay balse iyaguna kasoo kabtay oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka Aston Villa ee galabta.

Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Arsenal ee kulanka Aston Villa ee galabta:

Goolhayeyaal: David Raya, Aaron Ramsdale.

Difaacyahanno: Ben White, William Saliba, Gabriel Magalhaes (doubt), Oleksandr Zinchenko, Jakub Kiwior, Takehiro Tomiyasu.

Khadka dhexe: Jorginho, Thomas Partey, Emile Smith Rowe, Fabio Vieira, Martin Odegaard, Declan Rice

Weerarka: Leandro Trossard, Kai Havertz, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Gabriel Jesus, Bukayo Saka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*