Ruben Amorim Oo Durba Calaamadsaday SADDEXDA Saxeex Ee Ugu Horreeya Ee Uu Liverpool Keenayo


Liverpool ayaa tababaraheeda cusub ee u beddelaya Jurgen Klopp u dooratay Ruben Amorim oo hadda ah macallinka kooxda Sporting Lisbon, kaas oo la filayo in uu xagaaga soo gaadhi doono Anfield oo uu dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegayo Jurgen Klopp.

Ruben Amorim ayaa la sheegay in uu mar horeba sii calaamadsaday saddex ciyaartoy oo uu keeni doono Anfield suuqa xagaaga si ay kooxdiisa cusub u noqoto mid ku tartanta horyaalka Premier League, isla markaana aanay hoos uga soo dhicin halkii uu gaadhsiiyey Jurgen Klopp.

Telefishanka Sky Gerky ayaa Khamiistii helay xogta heshiiska ay gaadheen Liveprool iyo Ruben Amorim oo sannadkii 2021 saddexda koob ee laga ciyaaro waddanka Portugal u wada qaaday naadigiisa, isla markaana lagu xasuusto sidii uu xilli-ciyaareedkii hore tartanka Europa League uga reebay Arsenal.

Xilli-ciyaareedkan socda, kooxda tababare Ruben Amorim ee Sporting Lisbon ayaa hoggaaminaysa horyaalka Portugal ee Primeira Liga waxaanay afar dhibcood ka horreeyaa Benfica oo labaad ku jirta, isla markaana hal ciyaar ah baaqi u tahay.

Tababarahan kartidiisa la iskuw aafaqsan yahay, ayaa waxa uu kooxdiisa ku ururiyey ciyaartooyo da’yar ah oo tayadoodu sarrayso, kuwaas oo noqday xiddigaha loogu doonista badan yahay waqtigan, sida Viktor Gyokeres, Pedro Goncalves, Ousmane Diomande iyo Goncalo Inacio.

Sida uu qoray wargeyska Jornal Noticias ee kasoo baxa waddanka Portugal, tababare Ruben Amorim ayaa laba ka mid ah ciyaartoyda Sporting Lisbon u kaxaysan doona Anfield, waana Inacio iyo Ousmane Diomande oo uu ku xoojin doono difaaca Liveprool ee la saluugsan yahay isaga oo ka garab ciyaarsiin doona Virgil van Dijk.

Jornal Noticias waxa kale oo uu intaas ku daray, in Ruben Amorim uu sidoo kale doonayo in uu Liverpool geeyo khadka dhexe ee reer Denmark ee Morten Hjulmand oo isaguna u ciyaara kooxdiisa hadda ee Sporting Lisbon, waxaana laacibkan hore u doonayey kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*