Manchester United, Chelsea, Tottenham Iyo Kooxihii Waaweynaa Ee Uu Ruben Amorim Iska Diiday Ka Hor Intii Aanu Liverpool Heshiiska La Gaadhin


Ruben Amorim ayaa doortay inuu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool isaga oo dhabarka u jeediyey oo iska diiday kooxo waaweyn oo Ingiriis ah oo uu ka doorbiday inuu noqdo macallinka cusub ee Liverpool u beddelaya Jurgen Klopp.

39 jirkan oo sannadkii 2021 u qaaday Sporting Lisbon horyaalkeedii ugu horreeyey muddo 19 sannadood ah, isla markaana ugu daray laba koob oo kale, ayaa waxa haddana ay kooxdiisu afar dhibcood ku hoggaaminaysaa horyaalka waddanka Portugal oo dhamaad kusii dhow.

Heshiiska la sheegay inuu Liverpool la gaadhay Ruben Amorim ayaanay wali dhinacyadu si rasmi ah ugu dhawaaqin, laakiin faahfaahinta laga helay ayaa sheegaysa inuu yahay saddex sannadood, kaas oo la cusboonaysiin doono haddii ay Reds ku qanacdo kartida iyo loollanka Ruben Amorim.

Waraysi uu bixiyey markii ay kooxdiisa Sporting Lisbon 2-1 ku karbaashtay Benfica Sabtidii ayuu ku sheegay in aanu damaanad-qaadi karaynin in uu sii joogayo Sporting Lisbon xilli-cyaareedka dambe, laakiin diiraddiisu ay tahay inuu guulo kasoo hooyo kulamada soo socda si ay kooxdiisu ugu guuleysan karto horyaalka Portugal.

Sida ay warbaahinta waddanka Portugal sheegayso, Ruben Amorim ayaa waxa uu hore iskaga diiday afar kooxood oo Ingiriis ah oo dhamaantood doonayey in ay magacaabaan.

Sannadkii 2022, waxa Ruben Amorim lasoo xidhiidhay Aston Villa oo waqtigaas eriday Steven Gerrard, balse waxa uu ka doortay Sporting Lisbon oo usoo baxday tartanka Champions League oo uu isagu usoo saaray taas ayaana keentay in Aston Villa ay doorato Unai Emery.

Waxa kale oo Ruben Amorim xidhiidh la sameeyey kooxaha Chelsea iyo Tottenham markii ay shaqooyinka ka caydhiyeen Graham Potter iyo Antonio Conte, balse waxa uu tababarahan reer Portugal si cad ugu sheegay in aanu tegaynin, iyadoo waraysi uu siiyey warbaahinta Diario de Noticias uu ku sheegay in uu diiday Chelsea iyo Tottenham.

Chelsea ayaa waxa ay markaas kaddib magacowday Mauricio Pochettino, halka Tottenham ay weerartay Celtic oo ay kasoo qaadatay tababare Ange Postecoglou.

Kooxdii ugu dambaysay ee uu Ruben AmorimĀ  iska diiday waxay noqotay Manchester United oo xagaagii hore la xidhiidhay kaddib markii ay qoyska reer Glazer saluug badan ka muujiyeen bandhiggii Red Devils ee xilli-ciyaareedkii koowaad ee Erik ten Hag, balse Ruben Amorim ayaa Man United u sheegay in uu sii joogayo kooxdiisa oo aanu diyaar u ahayn inuu tago Old Trafford.

Ruben Amorim ayaa ugu dambayntii ka degi doona horyaalka Premier League xagaaga, haddii sida la sheegayo uu run yahay heshiiska uu la gaadhay Liverpool, waxaana uu dhaxli doonaa kooxda uu dhistay tababare Jurgen Klopp oo nasiimo ka gelaya kubadda cagta.

2 Comments

  1. Aniga waxan aminsanahay inusan u dhaweyn imatinka liverpool sababta wax kale ma ahan wa inu rabo inu helo tagero mujinaya rabitankisa iyo sport lisbon inaysan kuso laban karaynin oo usan player kaso qadan kareynin taasna waku dhib liverpool

  2. Caruur miyaa tihiin waa idinka iska qoraya wax walba mise page kina caruur idin qorta saxafada calamka mayna sheegin Xitaa kuwa tabiya ciyaraha warkgayskee kaso qadateen Xitaa hadii aad dhihi lahayd majaladaaa ayaa kaso xiganay macquul been aha noqon lahayd sidan isu dhaama Manchester United caruurtan tobabare kama dhigatee

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*