DEG-DEG: Bernardo Silva Oo Ka Tegaya Manchester City


Xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva ayaa ku qancay inuu ka dego horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo uu ku biiro Barcelona marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.

Bernardo Silva oo laf-dhabar u ah Manchester City ayaa waxa uu heshiiskiisii ugu dambeeyey ee Etihad Stadium uu ku daray qodob dhigaya, in £50 milyan oo Gini lagu burburin karayo qandaraaskiisa marka la gaadho dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda.

Sida uu shaaciyey Joao Felix oo ay xulka qaranka Portugal u wada ciyaaraan Bernardo Silva, khadka dhexe ee Manchester City ayaa uu ogolaysiiyey in uu kula soo biiro Barcelona, inkasta oo isaguba aanu hubin in uu sii joogayo oo uu amaah ugaga yimid Atletico Madrid xagaagii tegay.

Joao Felix oo la hadaly warbaahinta ayaa yidh: “Waxaan u malaynayaa in aan Bernardo Silva ku qanciyey in uu kusoo biiro Barca.

“Qof walba waxa uu sheegay inay run tahay, aniguna ma kaftamaynin, waxaanan rumaysanahay in aan awooday in aan ku qanciyo Bernardo inuu yimaaddo Barca.

“Bernardo wuxuu i weydiiyey sida ay tahay nolosha Barcelona, goobaha laga cunteeyo, ammaanka iyo canshuuraha, hadda isaga waxba kuma xidhna [Barcelona ayuu sugayaa]. Haddii uu yimaaddo Barcelona, waxa aan hubaa in kooxdu ay jeclaan doonto Bernardo oo ay ku faraxsanaan doonaan.

“Aniguna sidoo kale waan doonayaa in aan joogo halkan, waxa aan rajaynayaa in ay suurtogal ii noqon doonto.”

Joao Felix ayaa hadalladan u sheegay idaacadda Catalunya Radio oo uu waraysi siinayey, waxaana la ogsoon yahay in qandaraaska Bernardo ee Man City lagu burburin karayo £𝟓𝟎 milyan oo Gini laga bilaabo July 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*