Arsenal, Liverpool mise Man City? Wayne Rooney Oo Si Cad U Tilmaamay Kooxda Ku Guuleysanaysa Horyaalka Premier League


Wayne Rooney ayaa ku taageeray Liverpool inay ku guuleysato horyaalka Premier League inkastoo ay todobaadkan barbaro 2-2 ah la galeen Manchester United.

Natiijadaas ayaa keentay in Reds ay dhumiso hogaankeedii horyaalka, waxayna haatan 71 dhibcood la wadagaan kooxda hogaanka kala wareegtay ee Arsenal.

Seddexda kooxood ee ugu sareeya horyaalka waxaa kala saara kaliya hal dhibic iyadoo todoba kulan ay ka harsan tahay xillo ciyaareedka, laakiin Rooney ayaa aaminsan in Liverpool ay koobka ka qaadi doonto Manchester City iyo Arsenal.

“Weli waxaa haray waqti badan oo xilli ciyaareedka ka harsan” ayuu yiri Rooney. “Waan ogahay inay kaliya todoba kulan harsan tahay laakiin wax badan ayaa isbedeli kara haatan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Waxaan weli aaminsanahay in Liverpool ay ku guuleysan doonto horyaalka.”

Inkastoo Liverpool ay rajeyneysa inay koob ku macsalaameyso Jurgen Klopp, Manchester City ayaa ceyrsaneysa rikoodh koobkoodii afaraad ee isku xiga ee Premier League.

Halka Arsenal ay dooneyso inay soo gabagabeyso abaar 20 sanno jirsatay oo ka heysata hanashada horyaalka Premier League.

Seddexda kooxood ayaase ka qeybgalaya tartamada Yurub todobaadkan iyadoo Man City ay wajahi doonto Real Madrid halka ay Arsenal ku dhaceyso Bayern Munich kulamada caawa ee wareega 8da Champions League.

Halka Liverpool ay lugta hore ee wareega 8da Europa League ay la ciyaari doonto kooxda Atalanta ee horyaalka Serie A.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*