Chelsea Iyo AS Roma Oo Ka Heshiiska Iibka Romelu Lukaku Oo Shabaqa La Saaxiibay


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay Roma oo ay isla meel-dhigeen qiimaha ay ku kala iibsanayaan weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo xagaagii amaah ay ku qaadatay kooxda Talyaanigu.

Romelu Lukaku ayaa bishii August waxa uu amaah ku tegay caasimadda Talyaaniga ee Roma, waxaana siddeed kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay uu dhaliyey toddoba gool, waxaanay dhinacyadu diyaar u yihiin in heshiiska amaahda ah loo beddelo mid rasmi ah.

30 jirkan oo aan qayb ka noqon kulamadii saaxiibtinimo ee Chelsea ee xagaagii, ayay laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaska uu kula jiro Blues, waxaana ay kooxda reer London doonaysaa in ay si rasmi ah uga iibiso Roma.

Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Roman;o, Chelsea iyo Roma ayaa ku heshiiyey in ay Romelu Lukaku kula kala wareegaan £37 milyan oo Gini oo ah naqad ay halmar bixinayso Roma.

Laacibkan oo sannadkii 2021 ay Chelsea kaga soo iibsatay Inter Milan lacag rikoodh jabis ahayd oo ah £97.5 milyan oo Gini, ayaa muddadii uu joogay Stamford Bridge ku rfaaday, isaga oo kaliya u dhaliyey siddeed gool oo horyaalka Premier League ah xilli-ciyaareedkii 2021-22.

Xilli-ciyaareedkii tegay ayaa waxa uu amaah ugu laabtay kooxdiisii hore ee Inter Milan oo uu u dhaliyey toban gool, balse Nerrazurri ayaa go’aansatay inay dib ugu celiso Chelsea oo aanay si rasmi ah u iibsanin, kaddib markii ay Blues cirka ku shareertay qiimihiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*