Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ee Ay U Baahan Tahay Liverpool Si Ay Ugu Guuleysato Horyaalka Premier League?


Liverpool waxay u baahan tahay inay hesho hal ciyaartoy oo u dheela Arsenal ama Man City, si ay ugu guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier, sida uu rumaysan yahay halyeygii Manchester United ee Gary Neville.

Liverpool oo aan wax guul ah arag labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo usbuucii hore ay Tottenham 2-1 kaga badisay, kaddibna ay barbarro ku qabatay Brighton, ayaa waxa ay saddex dhibcood ka hoosaysaa Tottenham iyo Arsenal oo wada-jir u hoggaaminaya horyaalka Premier League.

Spurs, Arsenal iyo Manchester United dhamaantood si xooggan ayay ku bilowdeen horyaalka Premier League, waxaanay waqti horeba u muuqdaan in ay yihiin tartameyaasha xilli-ciyaareedkan, laakiin Gary Neville ayaa kalsooni buuxda ku qaba, in Liverpool ay tahay kooxda kaliya ee si dhab ah ula tartamaysa Man City, laakiin ay u baahan tahay inay hesho hal ciyaartoy oo leh tayada Rice ama Rodri oo noqda burburiye fiican.

Gary Neville oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in Liverpool ay ku tartamayso horyaalka, iyaga ayaana uga dhow horyaalka Tottenham, waana shaki la’aan taasi.

“Laakiin Liverpool waxbaa ka dhiman. Axaddii si fiican ayay ula ciyaareen Brighton oo ah koox wanaagsan, waxay haystaan goolhaye heerfsare ah oo aan mar walba rumaysanahay in uu in badan la baxsan karayo. Waxa kale oo ay haystaan weeraryahano goolal badan dhalin karaya, waxay haystaan af-hore oo fiican.

“Khadka dhexe ee kubbad-samaynta way haystaan, laakiin waxay u baahan yihiin kubbad-burburiye sida Rodri oo kale ah ama Rice. Haddii ay Liverpool hesho, waxa xasilaya difaacooda.

“Waxay u baahan yihiin Declan Rice ama ciyaartoy booskaas sidiisa oo kale uga ciyaaraya, ama Rodri.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*