“Baas Walba Isaga Ayaan Siin Lahaa, Waxaan Ku Odhan Lahaa Samee Sida Aad Doonto…” Jude Bellingham Oo Magacaabay Xiddiga Real Madrid Ee Qalbigiisa Ku Weyn


Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa tilmaamay laacibka uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro ee uu mar walba kubbadihiisa u dhiibi lahaa, kaddib markii uu jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta Cristiano Ronaldo.

Jude Bellingham oo 10 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid u dhaliyey toban gool, kuna darsaday saddex kale oo caawimood, ayaa waxa waraysi uu bixiyey lagu weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro xiddigihii soo maray Real Madrid.

20 jirkan oo u duulay waddankiisa England oo isku diyaarinaya ciyaarta Talyaaniga ee isreeb-reebka Euro 2024 iyo Australia oo ay Jimcaha la ciyaari doonaan kulan saaxiibtinimo, ayaa waxa uu sheegay in xiddiga kaliya ee uu tabayo in uu ka garab ciyaaro uu yahay halyeygii Real Madrid ee Zinedine Zidane.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan ka garab ciyaaro Zinedine Zidane. Waxa aan jeclaan lahaa in aan mar walba siiyo kubadaha oo aan u ogolaado in uu sameeyo waxa uu doonayo.” Ayuu yidhi Jude Bellingham.

Inkasta oo uu dhashay waqtigii uu Zidane ka fikirayay in uu ka fadhiisto kubadda cagta, haddana Jude Bellingham ayaa waxa uu yaraantiisii koray isaga oo taageere u ah Zidane oo waqtigaas ka fadhiistay kubadda cagta, waxaana uu daawan jiray muuqaalladiisa.

“Zidane waxa uu ka fadhiistay ka hor intii aanan ciyaarahaba bilaabin, laakiin waxa aan koray iyadoo qof walba oo khadka dhexe ah uu isaga ka sheekaynayo. Dadku waxay igu odhan jireen waa in aad daawato Zidane, orod oo Zidane daawo…, markaas ayaan bilaabay in aan daawado muuqaalladiisa, mar walbana waan la dhacsanaa.”

Jude Bellingham ayaa waxa uu dhaxlay lambarkii Zinedine Zidane oo aan wax culays ah ku noqonin, isla markaana uu si degdeg ah ugu soo jeediyey indhaha, dibna usoo xasuusiyey taageereyaasha in uu yahay lambar halyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*