DEG-DEG: Xulka Qaranka England Oo Isbeddel Lagu Sameeyey Iyo Xiddigaha Laga Saaray


Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa laga saaray xulka qaranka England ee kulamada Australia iyo Italy ee Jimcaha iyo Salaasada, inkasta oo la arkay isaga oo tegay garoonka tababarka St George’s Park gellinkii hore ee maanta.

Bukayo Saka ayaa awoodi waayay in uu tababarka la qaato ciyaartoyda xulka Ingiriiska, waxaana uu waqti la qaatay dhakhaatiirta oo go’aan ku gaadhay in laga saaro liiska xulka qaranka, kaddib markii ay ku qanceen in soo kabashadiisu ay yartahay oo uu khatar ku gelayo ciyaarahan.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka FA ayaa lagu sheegay, in Bukayo Saka laga saaray xulka Ingiriiska oo aanu qayb ka noqonayn kulamada Australia iyo Italy, kaddib markii sida ay sheegeen uu Isniintii maanta yimid garoonka St. George’s Park ee ay iskugu diyaarinayaan Australia oo ay Jimcaha la ciyaarayaan kulan saaxiibtinimo, ka hor inta aanay Talyaaniga foodda isku darin kulan adag oo ka tirsan isreeb-reebka Euro 2024.

War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray, in tababare Gareth Southgate uu go’aansaday in aanu u yeedhanin ciyaartoy kale oo beddela Bukayo Saka, taas oo ka dhigan in uu hal ciyaartoy ka dhimay tirada xiddigihiisii hore.

England ayaa waxay habeenka Jimcaha garoonka Wembley Stadium kula ciyaari doonaan Australia, waana kulan saaxiibtinimo, halka Salaasadana ay isla garoonkan ku martigelin doonaan Talyaaniga oo ay isreeb-reebka Euro 2024 ku ballansan yihiin.

Xulka England ayaa haysta 13 dhibcood oo ay ka urursadeen shan kulan oo ay ciyaareen, waxaanay lix dhibcood ka horreeyaan Talyaaniga oo labaad ku jira, iyadoo labada waddan ee ugu sarreeya hormo walba ay si toos ah ugu soo gudbayaan Euro 2024 oo lagu qabanayo waddanka Germany.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*