SHAN Arrimood Oo Lagu Arkay Tababarkii Ugu Dambeeyey Ee Liverpool Iyo Xogta Xiddigihii Ka Dhaawacnaa


Liverpool ayaa soo dhoweysay xiddigo kasoo laabtay dhaawac ka hor ciyaarta Brighton ee Axadda ee horyaalka Premier League, kuwaas oo imaatinkoodu kusoo beegmayo toddobaad xaasaasi ah oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan, si ay u fiirsadaan natiijada kulanka Arsenal iyo Man City oo haddii ay barbarreeyaan amaba ay City badiso hoggaanku uu gacanta u gelayo Liverpool.

Tababarkii ugu dambeeyey ee ciyaartoyda Liverpool ayaa waxa kasoo muuqday xiddigo muhiim ah oo aan joogin ciyaarihii ugu dambeeyey, waxaana dhoola-caddayn kusoo dhoweeyey tababare Jurgen Klopp oo doonaya inuu kooxda guulo waaweyn kusii hogaamiyo xilli-ciyaareedkan maadaama uu afar bilood kaddib ka tei doono.

Horyaalka Premier League oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin, ayaa waxa garoonka tababarka Liverpool ee AXA Training Center ka jiray jawi kala duwan iyadoo xiddigaha soo laabtay farxad lagu soo dhoweeyey, laakiin aanay wali taam noqonin xiddigo kale oo muhiim ah.

Shan arrimood oo laga arkay tababarkii ugu dambeeyey ee Liverpool, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa:

1. Alisson oo wali maqa

Goolhayaha reer Brazil ayay garoomada ugu dambaysay February 4 oo ahayd waqtigii uu dhaawacmay, waxaana xilliaas la sheegay in muruqa ay waxyeello kasoo gaadhay. Illaa hadda waxa uu maqan yahay afar ciyaarood oo kooxdiisa ah iyo ciyaarihii caalamiga ahaa ee xulkiisa ee bishan March.

Sidii la filayey, Alisson waxa uu ka maqnaaday tababarkan, waxaana hore soo noqoshadiisa loogu muddeeyey badhtamaha bisha dambe ee March, taas oo ka dhigan in Caoimhim Kelleher uu sii ahaan doono goolhayaha koowaad ee Liverpool.

2. Nunez iyo Salah oo u muuqda inay diyaar yihiin

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa ciyaaray 10 daqiiqadood kulankii Manchester United ee FA Cup ee ay kooxdiisa guul-darradu kasoo gaadhay, laakiin markii uu garoonka kasii baxayay ayaa la arkay isaga oo lugta ka dhutinaya. Tababare Jurgen Klopp ayaa waqtigaas saxaafadda u sheeay inay jug soo gaadhay, hase yeeshee waxa laga reebay xulka qarankiisa.

SIdaas oo kale, Mohamed Salah oo muddooyinkii dambe la dhibaatoonayay dhaawacyo kusoo bilowday Koobkii Qaramada Yurub, ayaa isaguna ka maqnaaday xulkiisa Masar kulamadii bishan, hase yeeshee waxa uu u muuqanayey inuu taam yahay.

Diogo Jota ayaase ahaa ciyaartoyga la tabayey ee ay jamaahiirtu jeclaan lahaayeen inuu isaguna kulankan diyaar u ahaado.

3. Gravenberch oo dib usoo noqonaya

Ryan Gravenberch oo ay Liverpool kasoo iibsatay Bayern Munich xagaagii ayaa xilli-ciyaareedkiisu uu isku badhxan yahay xilli-ciyaareedkan. Waxa uu bandhig heersare ah ka sameeyey kulamada qaarkood gaar ahaan Europa League, laakiin wali Liverpool waxa ay ka suaysaa inuu u dhaliyo goolkiisii koowaad.

Laacibkan oo dhaawacyo ku bilowday xilli-ciyaareedka ayaa waxa uu mar kale dhaawacmay dhamaadka bishii February, haddana waxa uu taam u yahay inuu safto ciyaarta Brighton, balse waxa tababarkan ka maqnaa Curtis Jones, Stefan Bajcetic iyo Thiago.

4. Su’aalaha ka taagan difaaca bidix

Inkasta oo aanu dhaawac culus ahayn, haddana difaaca reer Scotland ee Andy Robertson ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa ee bishan, balse warka farxadda leh ayaa waxa uu yahay in sidii markii hore ee uu garabka ka jabay oo kale aanu u dhaawacmin markan.

Waxa kale oo tababarka ka maqnaa Kostas Tsimikas oo loo malaynayo inuu dhaawac yahay maadaama uu Arbacadii 120 daqiiqadood u ciyaaray xulkiia Greece.

5. Da’yarta la diyaariyey

Trent Alexander-Arnold iyo Ibrahima Konate ayaa ka maqnaa tababarkan, sidoo kalena Joel Matip iyo Ben Doak ayaa hore looa quustay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa waxa uu tababarkan ugu yeedhay ciyaartoyda da’yarta ah sida Lewis Koumas, Jayden Danns, Kieran Morrison iyo Trent Kone-Doherty.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*