Fenerbahce ayaa ku hanjabtay inay ka tagi doonto horyaalka Turkiga ee Super Lig sababo la xiriira cadaalad darrada lagula kacayo.
Kooxda Turkiga ayaa kulankii ay 3-2 kaga badisay Trabzonspor horaantii bishaan waxay kala kulantay fowdo markii ciyaartoydooda lagu soo tuuray walxo holcaya halka taageerayaasha Trabzonspor ay garoonka galeen ciyaarta ka dib iyagoo weeraray ciyaartoyda Fenerbahce.
Sida ay sheegtay The Athletic, dhacdadaan ayaa noqotay midii ugu danbeysay ee jabisay sabarkii Fenerbahce oo 19 jeer ku guuleysatay horyaalka Turkiga.
Fenerbahce ayaa hadda doonaysa inay gabi ahaanba ka baxdo horyaalka Turkiga iyada oo la sheegay inay isha ku heyso horyaalada shan wadan oo ay dooneyso inay ku biirto.
Wariyaha Turkiga Ertem Sener ayaa sheegay in Fenerbahce ay ka fiirsanayaan ku biirista midkood horyaalada Belgium, Netherlands, Spain, France iyo Italy.
Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee kubada cagta Yurub ay horyaaladaas ogolaadaan koox ka socota wadan kale inay ka tartanto dalkooda.
Laakiin rabitaanka ka tagista Super Lig waxay muujineysaa heerka cadaalad darrada Fenerbahce ay dareemayso inay ka heshay xiriirka Turkiga iyo maamulada wadanka sanadihii lasoo dhaafay.
Sida laga soo xigtay The Athletic, go’aanka mustaqbalka kooxda waxaa go’aan ka gaari doona xubnaheeda shirka guud ee 2da bisha April dhacaya.
Kooxda ayaa hadda fadhisa kaalinta labaad ee Super Lig, iyagoo labo dhibcood ka danbeysa kooxda ay xafiiltamaan ee Galatasaray iyadoo sideed kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka.
Be the first to comment