Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u duulay magaalada Barcelona ee waddanka Spain, iyadoo lala xidhiidhinayo inuu tegi doono kooxda reer Catalonia marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Manchester City ayaan hubanti mustaqbal u haysanin xiddigeeda khadka dhexe ee Bernardo Silva oo qandaraaskiisii ugu dambeeyey ku daray qodob fududaynaya inuu si sahlan uu wareegi karayo Barcelona.
Xagaagii hore, Manchester City ayaa gashay jadwal mashquul ah inkasta oo ay ku guuleysteen saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup, waxaana ka teay xiddio laf-dhabar u ahaa, sida geesigoodii finalkii FA Cup ee Ilkay Gundogan, sidoo kalena ahaa kabtankooda.
Waxa uu Ilkay Gundogan ku biiray Barcelona oo uu si xor ah ku teay, halka Riyad Mahrez iyo Aymeric Laporta ay u lacag doonteen horyaalka waddanka Sucuudiga.
Joao Cancelo ayaa sidoo kale Ilkay Gundogan kula biiray Barcelona oo uu sannad amaah ah ku joogo, waxaase raadkooda raacaya Bernardo Silva oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyeyba lala xidhiidhinayey kooxdaas.
Silva ayaa weydiistay Man City in la iibiyo sannadihii 2020, 2021 iyo 2022, sababtuna ma ahayn in aanu ku faraxsanayn Man City laakiin waxa ay ahayd in uu ku dhibaatooday nolosha magaalada Manchester.
Siyaasadda Manchester City ayaa ah inay fasaxaan ciyaartoyda u sheegta in aanay doonayn inay sii joogaan, waana sidii ay u sameeyeen Raheem Sterling, Gabriel Jesus iyo Cole Palmer oo intuba dalbaday in la iibiyo.
Wariyaha BBC Sports ee Bettywyn Glover oo safar ku tagtay toddobaadkan magaalada Barcelona ayaa waxa ay garoonka diyaaradaha ee Ryanair ay ku kulmeen Bernardo Silva oo kasoo noqday magaalada Barcelona oo dib ugu soo jeeda Manchester, laakiin ma aanay isla gaadhin waraysi iyo inay su’aasho sababta keentay inuu tago halkaas. Wariyaha ayaa sawirka Bernardo soo dhigtay barteeda Instagram.
Bernardo Silva ayaa bishii August waxa uu saxeexay heshiis cusub oo sannad ah oo dhigaya, in £50 milyan oo Gini oo kaliya lagu burburin karayo qandaraaskiisa Manchester City.
Be the first to comment