Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate waxa uu haystaa bilooyin kooban oo uu ku go’aamiyo ciyaartoyda uu u xulanayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo bisha June ka furmi doona waddanka Germany.
Xulka qaranka England ayaa dheelay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee saaxiibtinimo ee ka hor xulista ciyaartoyda dalkaas uu la tegi doono Euro 2024, waxaana ciyaartii hore ay guul-darro 1-0 ah kala kulmeen Brazil, halka Belgium ay barbarro 2-2 ah la galeen iyadoo labada ciyaaroodba ka dhaceen garoonka Wembley Stadium.
Tababare Gareth Southgate ayaa kaliya loo ogol yahay in uu xusho 23 ciyaartoy iyadoo ay UEFA hoos usoo dhigtay tiradii ciyaartoyda ee hore loogu ogolaa xulalka oo ahayd 26 ciyaartoy.
Goorma ayaa lagu dhawaaqi doonaa xulka qaranka England?
Laba ciyaarood oo Saaxiibtinimo ayaa uu xulka qaranka Egland la dheeli doonaa Bosnia iyo Iceland ka hor tartanka Euro 2024, waana horraanta bisha June oo ah maalmo ka hor inta aanay u safrin waddanka Germany.
Xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2024, ayaa waxa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Salaasada ee May 21, 2024, laakiin waxa waddamadu ay liiskooda u gudbin doonaan UEFA ugu dambayn maalinta Jimcaha ah ee June 7.
Be the first to comment