“Lugta Ayaa Lana Qabanayaa” Arsenal Oo Ka Cadhootay Jadwalka Premier League Ee Kulamada Guul ama Geeri


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rumaysan in lugta loo qabanayo kooxaha ay ku tartamayaan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib markii lagu wargeliyey in toban ciyaarood ay dheeli doonaan muddo bil gudaheed ah.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu hoggaanka la wareegtay ka hor intii aan loo bixin fasaxa kulamada caalamiga ah iyagoo isku xigsiiyey siddeed ciyaarood oo guulo ah oo ay ugu dambaysay Brentfford oo ay ciyaartii ugu dambaysay ka adkaadeen.

Arsenal ayaa bisha April ay foodda innagu soo haysa ay u tahay middii go’aamin lahayd guulahooda xilli-ciyaareedan, waxaana ay laba jeer la ciyaari doonaan Bayern Munich wareegga siddeedda Champions League, halka ay sidoo kale dheeli doonaan horyaalka Premier League oo ay kulamo waaweyn iskugu xigayaan.

Gunners oo ay dib ugu soo laabtee ciyartoydii ka dhaawacnaa sida Jurrien Timber, Thomas Partey, Fabio Vieira iyo Takehiro Tomiyasu, ayaa Axadda toddobaadka dambe ay la ciyaari doonaan Manchester City oo ay ku booqanayaan garoonka Etihad Stadium.

Wiilasha tababare Mikel Arteta ayaa saddex maalmood kaddib waxa ay martigelin doonaan Luton Town, kaddibna waxa ay isku diyaarin doonaan safarka ay xeebta Koonfurta ugu tegayaan Brighton maalinta Sabtida iyadoo April 9 ay waajihi doonaan Bayern Munich lugta hore ee wareegga Siddeedda Champions League.
Iyagoo aan nasanin ayay garoonka Emirates Stadium kusoo dhoweyn doonaan Aston Villa, kaddibna waxa ay is haleeli doonaan Bayern Munich oo ay safar ugu tegayaan.

Shantaas ciyaarood ee sare ku xusan ee ay saddex yihiin horyaalka Premier League, labana yihiin Champions League waxa ay Arsenal dheeli doontaa 17 maalmood gudahood oo ah 31 March illaa April 17. Waxa intaas kaddib ay geli doonaan jadwal kale oo adag oo ay kooxo waaweyn sugayeen.

20 April, waxa ay Arsenal u tegi doontaa Wolves, kaddibna waxa iskugu xigaya labada kooxood ee reer London ee Chelsea iyo Tottenham oo April 23 iyo April 28 loo qorsheeyey inay Blues ku qaabbisho Emirates Stadium, halka Spurs ay ku booqanayso Tottenham Hotspur Stadium.

Waxa ugu sii xigi doona lugta hore ee semi-finalka Champions League haddii ay soo dhaafaan Bayern Munich, iyadoo UEFA ay shaacisay in April 30 la dheeli doono lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Kulamada madax-xanuunka ku riday Arsenal ee bisha Arpil

March 31: Man City (Marti) – 4.30pm
April 3: Luton (Minan) – 7.30pm
April 6: Brighton (Marti) – 5.30pm
April 9: Bayern Munich (Minan) – 8pm
April 14: Aston Villa – 4.30pm (Minan)
April 17: Bayern Munich (Marti) – 8pm
April 20: Wolves (Marti) – 7.30pm
April 23: Chelsea (Minan) – 8pm
April 28: Tottenham (Marti) – 2pm*
April 30: Lugta hore ee semi-finalka Champions League (Waa haddii ay usoo gudubto)

Taageereyaasha Arsenal ayaa markii ay arkeen jadwalka musalsalka ah ee sugaya bisha April, waxa ay niyad-jabkooda kusoo bandhigeen baraha bulshada iyaga oo ku doodaya, in lugta loo qabanayo kooxaha ay loollamayaan ee Liverpool iyo Manchester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*