Bahda kubadda cagta waddanka Turkey ayaa maanta la murugaysan geerida weeraryahankoodii oo dhimashadiisa la xaqiijiyey maanta, kaddib muddo uu xanuunsanayay.
Weeraryahankii hore ee kooxaha Besiktas, Trabzonspor iyo Nuremberg ee Ersen Martin oo sidoo kalena afka hore uga ciyaari jiray xulka qaranka dalkiisa Turkey ayaa dhimashadiisu ay baroor-diiq ka abuurtay waddanka Turkey.
Ersen Martin oo sannadkii 2013 ka fadhiistay ciyaaraha ayaa waxa uu xidhmay xiddidada wadnaha sannadkii 2022, waxaana uu muddo dheer jiifay cusbitaalka oo xaaladdiisa lagula tacaalayay.
Inkasta oo ay dhakhaatiirtu sameeyeen wax kasta oo suurtogal ah illaa waqtigaas, haddana maanta ayaa ay tiisii noqotay oo uu u geeriyooday isla xanuunkaas.
War-saxaafadeed ay soo saartay kooxda kubadda cagta Trabzonspor ayaa waxa ay ku sheegtay in ay ka murugaysan tahay geeriyda ku timid ciyaartoygoodii hore ee Ersen Martin oo sidoo kalena xulka qaranka dalkaas u ciyaarayey intii u dhaxaysay 2004 illaa 2006.
Kharashkii tirada badnaa ee cusbitaalka wadnaha ee Istanbul Siyami Ersek Heart Hopital uu ku xidhay daaweynta laacibkan geeriyooday oo ay qoyskiisu iska bixin kari waayeen ayaa waxa markii dambe kafaalo qaadday Fanatik oo ka fudaydisay culayska qoyskaas.
Be the first to comment