QIIMAYN: 20ka Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Wanaagsan Waqtigan Oo La Shaaciyey


Haddii Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ay yihiin mishiinnada goolasha ee difaaca iyo goolhayeyaasha hurdada u diida, waxa libintooda qayb ku leh oo kubbadaha ku haba ciyaartooyo khadka dhexe ah oo sabab u ah bandhigga ay samaynayaan.

Qiimayn la sameeyey, ayaa waxa lagu soo saaray 20ka ciyaartoy ee khadka dhexe ee ugu wanaagsan kubadda cagta waqtigan, waxaana ka dhax muuqda Jude Bellingham oo Real Madrid iyo xulka England ah, Kevin De Bruyne oo Man City iyo xulka Belgium u dheela iyo Declan Rice oo Arsenal iyo England u ciyaara

Inkasta oo uu Luka Modric lumiyey booskiisii joogtada ahaa ee Real Madrid, haddana ma aanu luminin booskiisii qiimaynta iyo bandhigga ee gudaha garoomada, waana ciyaartoyda labaad ee ugu wanaagsan ee khadka dhexe ee kasoo muuqda qiimayntan.

Kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa ah ciyaartoyga ugu wanaagsan ee khadka dhexe ka ciyaara waqtigan, waxaana kusoo xiga Luka Modric oo inkasta oo uu sii duqoobayo haddana daqiiqadaha uu garoonka ku jiro bandhig heersare ah sameeya.

Rodri oo khadka dhexe uga ciyaara Man City, Martin Odegaard oo Arsenal ah iyo Jude Bellingham oo u dheela Real Madrid ayaa iyaguna isku xiga oo shanta sare dhamaystiray.

Halkan kaga bogo 20ka khadka dhexe ee ugu wanaagsan waqtigan 

20. Alexis Mac Allister – Liverpool/Argentina

19Piotr Zielinski – Napoli/Poland

18. Gavi – Barcelona/Spain

17. Bruno Guimaraes – Newcastle/Brazil

16. Bernardo Silva – Manchester City/Portugal

15. Declan Rice – Arsenal/England

14. Toni Kroos – Real Madrid/Germany

13. Frenkie de Jong – Barcelona/Netherlands

12. Nicolo Barella – Inter/Italy

11. Jamal Musiala – Bayern Munich/Germany

10. Federico Valverde – Real Madrid/Uruguay

9. Joshua Kimmich – Bayern Munich/Germany

8. Ilkay Gundogan – Barcelona/Germany

7. Pedri – Barcelona/Spain

6. Bruno Fernandes – Manchester United/Portugal

5. Jude Bellingham – Real Madrid/England

4. Martin Odegaard – Arsenal/Norway

3. Rodri – Manchester City/Spain

2. Luka Modric – Real Madrid/Croatia

1. Kevin De Bruyne – Manchester City/Belgium

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*