Halyeyga Barcelona ee Gerard Pique ayaa magacaabay tababaraha uu doonayo in loo magacaabo kooxdiisa hore oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan uu ka tegayo Xavi Hernandez oo go’aankiisa sii shaaciyey bilo ka hor.
Barcelona ayaa suuqa ugu jirta raadinta tababare cusub oo hoggaamiya safkooda xilli-ciyaareedka dambe maadaama uu baxayo Xavi oo sheegay in xalka kooxdu uu ku jiro in uu isagu xilka banneeyo si ay kooxdu uga baxdo xilli-ciyaareedka adag ee ay gashay.
Tababareyaal dhawr ah ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona oo 11 dhibcood ka dambaysa Real Madrid oo hoggaaminaysa horyaalka, isla markaana wareegga siddeedda Champions League ku dhacday PSG, waxaana macallimiinta la hadal-hayo ku jira Mikel Arteta oo ah tababaraha Arsenal iyo Thomas Tuchel ooah macallinka kooxda Bayern Munich.
Gerard Pique oo warbaahintu ay weydiisay tababaraha uu la doonayo in kooxdiisa Barcelona loo magacaabo ayaa yidhi: “In aad Barca tababare u noqoto waxay u baahan tahay in aad yeelato astaamo tababarenimo oo gaar ah iyo inaad fahamto sida ay Barca u ciyaarto, sidaa daraadeed dookhyadu way yar yihiin.
“Midka ugu fiicnaan lahaa waa Pep Guardiola sababtoo hore ayuu kooxda qayb uga soo ahaa, waa tababaraha ugu wanaagsan waqtigan iyo sidoo kale Mikel Arteta.
“Arteta ayaa ah dookh kale oo wanaagsan. Wuu fahamsan yahay Barcelona waayo hore ayuu ugu soo ciyaaray.”
Be the first to comment