Tartamada Yurub ee Champions League, Europa League iyo UEFA Conference League ayaa isku-aadkooda la shaaciyey markii ay min siddeed kooxood usoo gudbeen marxaladdaas oo ay naadiyadu ku kala calaf qaadi doonaan bisha dambe ee April.
Laba usbuuc oo isku xiga ayay kooxuhu ciyaari doonaan, kaddibna waxa soo hadhi doona min afar iyadoo lasii ogyahay sida loo wada ciyaari doono illaa marxaladda ugu dambaysa ee finalka.
24 kooxood ayaa isugeyn ku tartamaya saddexdan koob, iyadoo siddeed walba ay dhinacooda u loollamayaan.
Warbixinteennan waxa aynu ku eegaynaa dalalka ay kasoo jeedaan tababareyaasha kooxaha iskugu soo hadhay tartamada Champions League, Europa League iyo UEFA Conference League, taas oo qof walba u caddayn doonta waddanka hadda haysta tababareyaasha ugu wanaagsan waqtigan.
Waddanka Spain ayaa noqday dalka tababareyaasha ugu badan ku leh 24ka kooxood ee fagaareyaasha Yurub ku dagaallamaya, waxaana Spain ay haystaan toddoba tababare, sida Guardiola, Luis Enrique, Xabi Alonso, Xavi Hernández, Emery, Mendilibar iyo Arteta.
Jarmalka oo ay Thomas Tuchel iyo Jurgen Klopp ugu magac weyn yihiin ayaa iyaguna kaalinta afraad fadhiya oo leh afar tababare.
Waa kuwan tababareyaasha 24ka kooxood ee semi-finalka tartamada Yurub iyo dalalka ay kasoo jeedaan:
Spain – 7 tababare: Guardiola (City), Luis Enrique (PSG), Xavi Hernández (Barcelona), Arteta (Arsenal), Xabi Alonso (Bayer Leverkusen), Emery (Aston Villa) iyo Mendilibar (Olympiacos).
Italy – 5 tababare: Ancelotti (Real Madrid), De Rossi (Roma), Pioli (Milan), Vincenzo Italiano (Fiorentina) iyo Gasperini (Atalanta)
Germany – 4 tababare: Klopp (Liverpool), Schmidt (Benfica), Tuchel (Bayern Munich) iyo Terzic (Borussia Dortmund).
Argentina – 1 tababare: Simeone (Atlético).
France – 1 tababare: Gasset (Marseille).
Scotland – 1 tababare: David Moyes (West Ham).
Czech Republic – 1 tababare: Koubek (Viktoria Plzen).
Turkey – 1 tababare: Kartal (Fenerbahce)
Romania – 1 tababare: Lucescu (Paok)
Portugal – 1 tababare: Paulo Fonseca (Lille)
Norway – 1 tababare: Deila (Bruges)
Be the first to comment