RASMI: Xiddigaha Xulka Qaranka Germany Oo Uu Ka Dhax Muuqdo Toni Kroos Oo La Shaaciyey


Tababaraha xulka qaranka Germany ee Julian Nagelsmann ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka dalkiisa ee kulamada saaxiibtinimo ee bishan March, kuwaas oo ay iskugu diyaarinayaan ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 oo uu dalkooda Jarmalku martigelin doono.

Xulka Germany ayaa laba ciyaarood oo saaxiibtinimo kula ballansan xulalka France iyo Netherlands, waxaana uu Julian Nagelsmann kusoo daray xiddigihiisa xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Toni Kroos oo saddex sannadood ka hor ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ahaa, isla markaana aan qayb ka ahayn xulkii dheelay Koobka Adduunka 2022.

Khadka dhexe ee Bayern Munich ee Leon Goretzka oo dhaawac ah ayaa waxa lagu beddelay da’yarka ay isku kooxda yihiin ee Aleksandr Pavlovic oo ka mid ah lix ciyaartoy oo ku cusub xulka, waxaanay shanta kale yihiin Anton, Mittelstadt, Undav, Beier iyo Beste.

Waxa kale oo xulka dib ugu soo laabtay Manuel Neuer oo dhaawac ku seegay Koobkii Adduunka ee 2022 oo uu bilo ka hor ka jabay lugta isaga oo ku dheelaya goob baraf ah, sidoo kalena goolhayaha Barcelona ee Marc-André ter Stegen ayaa jooga.

Ilkay Gundogan oo uu tababare Nagelsmann u doortay kabtanka xulka Germany xataa kaddib soo laabashada Manuel Neuer ayaa hoggaamin doona xulka Germany.

Halkan kaga bogo liiska xulka qaranka Germany iyo kooxaha laga soo xulay:

Goolhayeyaal: Oliver Baumann (Hoffenheim), Bernd Leno (Fulham), Manuel Neuer (Bayern), Marc-André ter Stegen (Barcelona)

Difaacyahanno: Waldemar Anton (Stuttgart), Jan-Niklas Beste (Heidenheim), Benjamin Henrichs (Leipzig), Joshua Kimmich (Bayern), Robin Koch (Leeds), Maximilian Mittelstädt (Stuttgart), David Raum (Leipzig), Antonio Rüdiger (Real Madrid), Jonathan Tah (Leverkusen)

Khadka Dhexe: Robert Andrich (Leverkusen), Chris Führich (Stuttgart), Pascal Groß (Brighton), Ilkay Gündogan (Barcelona), Toni Kroos (Real Madrid), Jamal Musiala (Bayern), Aleksandar Pavlovic (Bayern), Florian Wirtz (Leverkusen)

Weerarka: Maximilian Beier (Hoffenheim), Niclas Füllkrug (Dortmund), Kai Havertz (Arsenal), Thomas Müller (Bayern), Deniz Undav (Stuttgart).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*