Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Liverpool Kala Hortageyso Manchester City Kulanka Maanta


Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaan weli hubin haddii Ibrahima Konate uu taam u noqon doono kulanka adag ee maanta ay la ciyaarayaan Manchester City.

Daafaca Faransiiska ayaa dhaawac ku baxay kulankii ay 5-1 ku xasuuqeen Sparta Prague habeenkii Khamiista, waxaana laga cabsi qabaa inuu seego kulankaan.

Klopp waxaa durba ka maqan Trent Alexander-Arnold, Alisson Becker, Diogo Jota, Thiago Alcantara iyo Curtis Jones iyo kuwa kale.

Isagoo ka hadlayay xaalada Konate shirkiisii jaraa;id ee ugu danbeeyay, Klopp ayaa yiri: “Niyad wanaag ayuu xalay ka qabay dhaawaciisa, inkastoo uu qaatay go’aanka saxda ah oo uu dalbaday in la bedelo hadana taasi wax micno ah ma la mahan. Waa la baarayaa welina natiijada ma aanan helin.”

Haddii Konate uu taam u noqon waayo kulanka maanta, waxaa la filayaa in da’ yarka Quansah inuu ka garab ciyaaro Van Dijk booska daafaca dhexe.

Reds ayaa dib u soo dhaweysay Mohamed Salah kulankii Europa League taasoo niyad dhis weyn u ah kooxda Anfield.

Waxay sidoo kale waqti badan nasasiiyeen ciyaartii Khamiista Dominik Szoboszlai iyo Virgil van Dijk.

Liverpool ayaa u baahan guul si ay dib ugu soo laabato hogaanka Premier League madaama ay haatan dhibic ka danbeeyaan Arsenal oo xalay hogaanka la wareegtay ka dib guushii ay ka gaareen Brentford.

SHAXDA LIVERPOOL AY KALA HORTAGI KARTO MAN CITY:

(4-3-3): Kelleher; Gomez, Quansah, van Dijk, Robertson; Endo, Mac Allister, Szoboszlai; Salah, Nunez, Diaz

Waxaa shaki ku jiraa: Konate

Waxaa dhaawac ku maqan: Alexander-Arnold, Alisson, Jota, Thiago, Jones, Matip, Bajcetic, Gravenberch

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*