Shaxda Macquulka Ah Ee Real Madrid Kala Hortageyso RB Leipzig Caawa


Tababare Ancelotti ayaa wajahaya kala doorasho adag kulanka caawa RB Leipzig ee lugta labaad ee wareega 16ka Champions League, iyadoo lugtii hore ay 1-0 ku soo badisay Los Blancos.

Tchoumeni oo qaab ciyaareed lala yaabay ka dhigay booska daafaca midig iyo qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Luka Modric ayaa madax xanuun ku ah tababaraha Talyaaniga.

Shaxda inteeda kale waa kuwa aan la dhaqaajin karin laakiin labada boos ee aan kor ku xusnay ayaa ah kuwa la filayo in isbedel laga arko kulanka caawa.

Ancelotti ayaa xaalad degdeg ah u baahday ka dib markii Nacho uu dhaawac ku seegay kulankii Valencia, waxaa booskiisa buuxiyay Tchoumeni oo booskaas ka dhigtay booskiisa isagoo uga dhalaalay si aad u fiican. Wuxuu haatan fursad u heystaa inuu mar kale booskaas ka ciyaaro kulan Champions League ah halka Nacho uu tartan ugu jiro inuu booskiisa soo ceshto.

Dhanka kale kala doorashada Modric iyo Kroos waa mid aan kala yareyn. Modric wuxuu go’aamiyay natiijadii kulankii Sevilla isagoo dhaliyay gool cajiib ah halka uu qeyb libaax leh ka qaatay barbarihii Valencia, iyadoo Toni Kroos uu ku jiro mid ka mid ah xilli ciyaareedyadiisii uu ugu fiicnaa.

Midkood Luka Modric ama Toni Kroos ayaa safan doona madaama Valverde iyo Camavinga ama Tchoaumeni haddii Nacho uu booskiisa ku soo laabtay ay yihiin kuwa aan la dhaqaajin karin.

Afka hore waxaa ka ciyaari doona Jude Bellingham, Rodrygo iyo Vinicius Jr halka Lunin uu yahay goolhayaha kooxda ka dib wacdarihii uu dhigay kulankii lugta hore.

SHAXDA AY REAL MADRID KALA HORTAGI KARTO RB LEIPZIG

Lunin; Carvajal, Rüdiger, Nacho ama Tchouameni, Mendy; Valverde, Camavinga, Modric ama Kroos; Bellingham; Rodrygo iyo Vinicius .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*