Garsoorihii hore Premier League haatana ah mas’uulka Nottingham Forest u falanqeeyga garsoorka Mark Clattenburg ayaa si weyn uga carooday garsoorkii kulankii ay Liverpool guusha ka gaartay Nottingham Forest shalay.
Clattenburg ayaa intaa ku daray in loo diiday inuu galo qolka labiska garsoorayaasha si uu ula hadlo garsoore Paul Tierney ciyaarta ka dib.
Ciyaartoyda Nottingham Forest ayaa isku gadaamay garsoore Tierney ka dib markii ay ka caroodeen in garsooraha uu kubada siiyay Liverpool xilli Ibarahima Konate uu dhaawac madaxa ka soo gaaray.
Nottingham Forest ayaa kubada heysatay markii ciyaarta loo joojiyay dhaawaca Konate.
Si kastaba ha ahaatee, garsoore Tierney ayaa ciyaarta dib u bilaabay isagoo kubada siiyay goolhayaha Liverpool Caoimhin Kelleher bedelkii uu kubada siin lahaa Nottingham Forest oo xaq u laheyd.
Darwin Nunez ayaa ka dib goolka guusha dhaliyay daqiiqad iyo 50 ilbiriqsi ka dib.
“Forest in kubada dib loo siiyo ayay aheyd” ayuu yiri Clattenburg oo bishii hore loo magacaabay shaqadiisa cusub ee Nottingham Forest.
“Haddii uu garsooraha ciyaarta joojiyo, waa inuu kubada u celiyo kooxdii markii hore kubada heysatay. Waxayna aheyd Forest.”
Tababaraha Forest Steven Reid ayaa la tusay casaan markii uu ku qeyliyay garsoore Tierney ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay.
Be the first to comment