Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaan qayb ka noqon doonin ciyaarta Nottingham Forest ee Sabtida ay kooxdiisa Liverpool waajahayso, taas oo haddii ay guul ka keenaan ay awoodi doonaan inay shan dhibcood ku qabtaan hoggaanka horyaalka maadaama kooxaha kusoo xiga ee Man City iyo Arsenal ay dhaali doonaan Axadda.
Mohamed Salah oo laga daaweynayo dhaawac muruqa ah ayaa ka maqnaa kooxdiisa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay ku jiraan guulihii waaweynaa ee finalka Carabao Cup ee ay ku garaaceen Chelsea iyo wareeggii shanaad ee FA Cup ee Southampton.
31 jirkan oo la filayey inuu qayb ka noqon doono safarka kooxdiisu ay ugu tegayso Nottingham Forest, ayaa waxa maqnaanshihiisa xaqiijiyey tababare Jurgen Klopp oo yidhi: “Ilama aha in Mo uu muddo badan maqnaanayo, laakiin ma iman doono garoonka berri.
“Mo maqnaanshihiisu wuu dheer yahay, balse waxay ila tahay in usbuuca ay suurtogal tahay inuu soo laabto. Jidka ayuu kusoo jiraa, laakiin waa wali.”
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa dib u heshay Darwin Nunez iyo Dominik Szoboszlai oo muddo ka maqnaa garoomada, balse Wataru Endo iyo Andy Robertson ayaa iyaguna ka maqnaaday tababarkii shalay, inkasta oo ay maanta soo laabteen.
Be the first to comment