Rodri Oo Kulanka Manchester United Jabinaya Rikoodh 16 Sannadood Aan La Gaadhin


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Rodri ayaa jabin doona rikoodh u yaalla horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo muddo 16 sannadood ah aanay cidina gaadhin, waxaana taariikhdan loo diiwaangelin doonaa marka ay Axadda iska hor yimaaddaan kooxaha isku magaalada ah ee Manchester City iyo Manchester United.

Kulankii 192aad ee Manchester Derby ayay labada kooxood isku magaalada ah foodda isku dari doonaan maalinta Axadda, iyadoo mid walba ay guul u baahan tahay.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa ku qasban inay guul ka gaadho Manchester United si aanay Liverpool iyo Arsenal uga helin fursad ay kaga baxsadaan.

Saadaaliyeyaasha ciyaaraha ayaa waxa ay sheegayaan, in City ay guul weyn gaadhid oonto oo ay xasuuqi doonto United, waxaana ciyaartan muhiim noqon doona Rodri oo laf-dhabar u ah Man City.

Xiddigan reer Spain ayaa casaan lagaga saaray ciayartii Nottingham Forest ee bishii September, waxaana Man City ay guul-darraysatay saddexdii ciyaarood ee uu ganaaxa kaga maqnaa kooxda.

Laga soo bilaabo February 2023, Manchester City lagama badinin 58 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeshay iyadoo uu Rodri ciyaarayo, waxaana haddii ay guul-darro ka badbaadaan ciyaarta Man United uu Rodri noqon doonaa ciyaartoyga kulamadii ugu badnaa ee Premier League ee isaga oo garoonka ku jira aan laga adkaanin tan iyo sannadkii 2008.

Difaacii reer Portugal ee Ricardo Carvalho oo u ciyaari jiray Chelsea ayaa intii u dhaxaysay November 2006 illaa February 2008 aan kooxdiisa laga badinin isaga oo garoonka ku jira, waxaana uu muddadaas ciyaaray 58 ciyaarood, waxaase Axadda barbarrkayn kara Rodri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*