Liverpool Oo Toos Ula Hadashay Xabi Alonso, Man United Oo Go’aan Ka Gaadhaysa Greenwood Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Liverpool ayaa si toos ah ula xidhiidhay tababaraha kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso oo ay doonayso inuu u beddelo Jurgen Klopp oo ka tegaya dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Bild)

Tottenham waxay bartilmaameedsanaysaa weeraryahanka reer Portugal ee Pedro Neto oo ah 23 jir u ciyaara Wolves iyo Eberechi Eze oo ah 25 jir halbowle u ah Crystal Palace. (Independent)

Arsenal, Manchester United iyo Chelsea ayaa xiisaynaysa saxeexa goolhayaha reer Germany ee Diant Ramaj oo 22 jir ah oo u ciyaara Ajax. (Bild)

Weeraryahanka reer South Korea ee Son Heung-min oo 31 jir ah, waxa uu wada-hadallo cusub kula jiraa kooxdiisa Tottenham oo ay suurtogal tahay inuu qandaraaska usii kordhiyo. (Football Insider)

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, waxa uu soo dhoweynaa in tababare Xavi Hernandez uu sii joogo kooxda haddii ay qaab fiican ku dhamaystaan xilli-ciyaareedka. (Sport)

Liverpool waxay doonaysaa garabka weerarka Brentford iyo xulka Cameroon ee Bryan Mbeumo oo ah 24 jir, waxaanay hawlgalkiisa bilaabi doonaan dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Express)

Rafael Leao oo lala xidhiidhinayo Barcelona, ayaa waxa uu sheegay, in waqtigan aanu doonayn inuu ka tago AC Milan. (Sport)

Khadka dhexe ee Talyaaniga iyo Arsenal ee Jorginho, waxa uu doonayaa inuu dib ugu laabto horyaalka Serie A marka uu dhamaado qandaraaskiisa Gunners dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Goal)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*