Waa Maxay Sababtii Uu Alan Shearer U Canaantay Marcus Rashford Intii Ay Socotay Ciyaartii Xalay Ee City Ground?


Alan Shearer ayaa si carro leh u canaantay Marcus Rashford intii ay socotay ciyaartii FA Cup ee u dhaxeysay ee Manchester United iyo Nottingham Forest.

Halyeeyga Newcastle ayaa tabinayay ciyaartii ka dhacday City Ground, wuxuuna ka carooday tilmaamaha uu Rashford bixinayay ka dib markii uu kubada dhumiyay qeybtii hore ee ciyaarta. Weeraryahanka Ingariiska oo 26 sanno jir ah ayaa la soo baxay hab dhaqan aan looga baranin gaar ahaan marka uu kubada dhumiyo.

Ka dib markii uu kubada u waayay Felipe, Rashford ayaa gacmaha kor u tuuray jahwareer darteed, wuxuuna bilaabay inuu socod ku tago bartamaha garoonka, isagoo diiday inuu saxo qaladkiisa oo uu kubada raacdo.

Waxay taasi keentay in Shearer uu tabintiisa ku canaanto Rashford isagoo sheegay inay aheyd inuu qaato mas’uuliyada kubada uu dhumiyay bedelkii uu taageerayaasha dareensiin lahaa inaysan qaladkiisa aheyn,

“Marcus sarre joogso oo jooji gacmaha aad kor u tuureyso. Waa inaad sidaan si ka fiican u dhaqantaa” ayuu yiri Shearer oo careysan. “Kubada hortaada ayay taala waxaana ka soo horjeeda daafaca. Shaqadaada waa inaad kubada u celiso asxaabtaada.

“Ma jecleysanin tilmaamta jireed ee uu bixiyo mararka qaar. Waa inaad shaqsi ahaan qaado mas’uuliyada, soco oo shaqee.”

Iyadoo Rasmus Hojlund uu dhaawac yahay, Erik ten Hag ayaa ku qasban inuu Rashford ka ciyaarsiiyo afka hore. Inkastoo uu 30 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Rashford ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay kaliya shan gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*