Kulanka ay Liverpool u safreysa kooxda ay deriska yihiin ee Everton ee horyaalka Premier League ayaa dib loo dhigay ka dib markii ay Reds u soo baxday wareega sideed dhamaadka FA Cup.
Reds ayaa 3-0 kaga badisay Southampton wareegii shanaad ee FA Cup xalay. Iyadoo Lewis Koumas uu goolasha furay ka hor inta uusan Jayden Danns dhalinin labada gool kale.
Kooxda Jurgen Klopp waxay haatan la ciyaari doontaa wareega sideed dhamaadka FA Cup kooxda Man United. Waxay ciyaartaan dhici doontaa midkood 16ka ama 17ka bisha Maarso iyadoo ka dhaceysa garoonka Anfield.
Waxay tani sababtay in dib loo dhigo kulankii Liverpool ay la ciyaari laheyd kooxda ay xafiiltamaan ee Everton ee horyaalka Premier League. Kulankaas ayaa ku jadwaleysnaa in la dheelo 17ka Maarso laakiin haatan dib ayaa loo dhigay iyadoo aan weli la shaacinin taariikhda la ciyaarayo.
Haddii Liverpool ay u soo baxdo wareega sideed dhamaadka Europa League, waxaa sidoo kale adkaan doonto in taariikh ku haboon loo helo kulanka Everton ee la baajiyay.
Waxaase la filayaa in kulankaan la ciyaari doono dhamaadka xilli ciyaareedka haddii la waayo waqti ku haboon oo ay Liverpool dheeli karto madaama ay ka qeyb qaadanayaan FA Cup iyo Europa League.
Be the first to comment