Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa diyaar u ah inay qirato, inay ku guul-darraysatay isku-daygeedii ahaa inay hesho tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta, kaas oo ay doonayeen in uu xilli-ciyaareedka dambe noqdo macallinkooda oo uu beddelo Xavi Hernandez oo ka tegi doona marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Tababare Xavi ayaa bishii hore shaaciyey, in uu ka tegi doono kooxdiisa dhamaadka xilli-ciyaareedka, kaddib guul-darrooyin is-xigay oo ay ka keeneen horyaalka Spain ee LaLiga iyo tartamada Copa del Rey iyo Spanish Super Cup oo labadaba ay ka hadheen.
Barcelona ayaa la sheegay in ay doonayso inay doorkan magacowdo macallin khibrad leh, mana doonayaan in ay tijaabo kale galaan oo ay Rafa Marquez oo ah macallinka da’yartooda dib ugu noqdaan.
Deco oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona, ayaa waxa uu hore u doonayey in uu Mikel Arteta oo waqtigii uu ciyaartoyga ahaa kasoo baxay kulliyadda Barcelona ee La Masia uu noqdo macallinkooda, laakiin Mikel Arteta ayaa waxa ka go’an inuu sii joogo Arsenal oo uu si fiican u dhisay.
Barcelona ayaa la sheegay in hadda ay doonayso tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo dhowaan shaaciyey in bisha June uu ka tegi doono kooxdiisa, kaas oo hadda ah diiradda koowaad ee Deco.
Waxa kale oo Barcelona ay indhaha ku haysaa tababaraha xulka qaranka Germany ee Julian Nagelsmann.
Be the first to comment