Chelsea Oo SAGAAL Ciyaartoy Xaraashaysa Si Ay Uga Badbaaddo Ganaax Iyo Dhibco Laga Jaro


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xaraashaysa sagaal ka mid ah ciyaartoydeeda, ka hor inta aanay soo bixin natiijada baadhitaannada la xidhiidha jabinta sharciga dhaqaalaha ee uu ku samaynayo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA iyo xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

Chelsea oo lacag ka badan £1 bilyan oo Gini ciyaartooyo kusoo iibsatay tan iyo markii uu maamulka la wareegay Todd Boelhy badhtamaha sannadkii 2022, ayaa waxa saaran cadaadis badan oo kaga imanaya baadhitaannada ku socda oo keeni karaya inay ganaaxyo ku dhacaan.

Blues oo Gary Neville uu ku tilmaamay ‘dhalooyin/quraarado bilyan Gini ah’ kaddib guul-darradii finalka Carabao Cup ee Axaddii ay Liverpool kaga qaadday koobka garoonka Wembley, ayaa waxa cadaadiska kusii kordhiyey ganaaxii uu Premier League ku riday Everton oo dhibco laga jaray.

Sida uu qoray wargeyska Telegraph, Blues ayaa waxay doonaysaa in ka hor inta aan la gaadhin June 30, ay hesho lacag ka badan £100 milyan oo Euro oo ay ka samaynayso iibka ciyaartoydeeda, si ay uga badbaaddo ganaaxa Everton oo kale.

Chelsea ayaa hore waxa ay culayska iskaga fudaydisay iibka difaaca reer England ee Lewis Hall oo ay Newcastle kaga iibiyeen  £28 milyan oo Euro, laakiin waxa kale oo ay filayaan in ay AS Roma £37 milyan oo Gini kaga iibiyaan Romelu Lukaku, kaas oo sannadkii 2021 ay £99.5 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Inter Milan.

Waxa kale oo ay Chelsea doonaysaa inay iibiso Ian Maatsen oo amaah ugu maqan Borussia Dortmund, kabtankeeda Reece James oo ay dhaawacyo dishoodeen, Conor Gallagher oo iska diiday inuu qandaraaska u kordhiyo iyadoo sannad kali ahi ka hadhsan yahay waqtigiisa, Trevoh Chalobah, Amrando Broja, Marc Cucurella iyo goolhayaha amaahda ugu maqan Real Madrid ee Kepa Arrizabalaga oo ay Los Blancos dib iskaga soo celin doonto xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*